crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Erdogan: af-ganbiga kahor iyo kadib – iyo Himiladiisa fog. | HimiloNetwork

Erdogan: af-ganbiga kahor iyo kadib – iyo Himiladiisa fog.

Istanbul (Himilonews) – Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan ayaa booqasho rasmi ah ku tagay dalka ugu weyn dhul ahaan adduunka ee Ruushka – ahna sidoo kale mid kamid ah dalalka ku horumaray tiknoolojiyadda dhinaceeda hubka iyo gaadiidyada dirira; kaas oo ahaan jiray isu-tagga dhowr iyo labaatan jamhuuriyadood oo uu ka koobnaan jiray Midowgii Soofiyeeti – tallaab aysan badi la dhicin dalalka reer Galbeedka sida Maraykanka.
Booqashada Erdogan ee Ruushka ayaa timid wax-yar kadib maalmo adag oo gilgilay majaraha hoggaanka dowladdiisa Turkiga kadib isku dayga af-ganbi dhicisoobay oo lala maaganaa in xilka looga tuuro madaxweynaha xaqa iyo xalaasha uga soo baxay doorashadii u danbeysay ee ka dhacda dalkaas.
Balse booqashada laftigeeda, sida dad badani qabaan, ayaa ah dhamaadka xiriirkii dheel-dheelliga ku taagnaa iyo bilowga xiriir adag oo dhex mara labadan dal ee awood iyo galaan-gal muuqda ku leh siyaasadda gobalka lagu xifaaltamo ee Bariga Dhexe.
Awooddii hore ee USSR oo laheyd ciidankii ugu cududda weynaa dunida ee la oran jiray Ciidanka Cas “The Red Army”, haddana wali kaalin muuqata ku leh awoodda ciidamada iyo sirdoonka, wuxuu taniyo burburkiisii 25-sano kahor loolan iyo iska caabis kula jiray dalalka reer Galbeedka iyo Maraykanka.
Turkiga oo isna ah dal Muslim ah – kuna socda xowli koror dhaqaaleed iyo siyaasadba leh – oo aan sidoo kale xiriir qoto dheer lala laheyn reer Galbeedka, Ruushku wuxuu dhiggiisa Turkiga u arkaa saaxiib dhow oo gobalka Bariga Dhexe iyo dunidaba uu kala kaashan karo.
Taxanaha xiriirka sii xumaanayey ee u dhaxeeya labadan dal – dhacdo ahaan – waxay aheyd kol dhaweyd markii diyaarad laga lahaa Ruushka oo ku dhacday soohdinta ay wadaagaan dalalka Suuriya iyo Turkiga la tibaaxay in militariga Turkigu soo rideen. Jeer iyo markaasna, hadallo kulkulul oo ay hawada isku mariyeen mas’uuliyiinta labada dal ayaa laga sii deynayay warfidiyeennada taas oo xittaa ku dhisneyd goodis iyo aar-gudasho.
Si malaha loo meyro madmadowga aan la hubin ee dhacdadani la timid ayaa madaxda dowladda Turkiga waxay ku dhawaaqeen inay bixinayaan  raali-gelin soo raagtay oo laga la’aa xaggooda – iyo sidoo kale mag-dhabaan diyaaradda burburtay iyo duuliyihii saarnaa.
Wax-yar kadibna, waxaa xigay af-ganbiga dhicisoobay ee taariikhda casriga ee dalka leh himilada fog ee Turkiga dhinac kale u rogtay.
Ruushka ayaa la sheegay in – waloow uusan dhawaaq dheer kaga war-celin hadalkii kasoo yeeray Turkiga ee ahaa raali-gelinta iyo mag-dhowga diyaaraddii burburtay, uu hadana la dhacsanaa soo dhaweysiga Turkiga oo aan caga-adag kula taagneyn Reer Galbeedka. Ruugcadaayo Ruushka ayaa, sida la hubsaday, kaalin ku yeeshay fashilka ku yimid af-ganbiga.
Bil kahor inta uusan dhicin af-ganbiga, Ruushka ayaa ka war-helay isku-dayga lala doonayo in xilka looga xayuubiyo – lana dilo – hoggaanka Turkiga. Warqad ka timid xog-hayaha arrimaha dibadda ee Ruushka oo uu siday ergayga dalkaasi u qaabilsanaa Turkiga – kaas oo si aan looga shakin soo maray laba dal – kadibna yimid Istanbul ayaa ku qorneyd warbixin tilmaamaysa halista uu sito af-ganbi lala maagan yahay in lagu fuliyo hoggaanka xukuumadda Turkiga. Guddoomiyaha gobalka Istanbul, in kasta oo si xeeld-heer uusan niyadda u wada siinin baaqa Ruushka, hadana wuxuu madaxda dalkiisa ku war-geliyay inay heeganka ku jiraan – una toog-hayaan filashada af-ganbiga la tibaaxayo.
Waxaa markaas kadib la isku shaandeeyey ciidamada kala duwan ee booliska, sirdoonka iyo kuwo dhulka hoostiisa sal-dhigyo ku leh oo u tababaran madaxweyne Erdogan. Markii hadaba, qeyb ahaan, ay kooxda Cilmaamiyiinta ogaadeen in qorshadodu fashil ku socdo, ayay wixii ay awoodeen kula dhaqaaqeen fulinta af-ganbiga – kaas oo guntii ku fashilmay gacmaha shacbiga iyo jaallaha sida kadiska ah uga soo dhex-baxay keynta uu Turkiga islahaa cidi kuuguma maqna – Ruushka.
Waana taas wax-yar kadib markii ay timid booqashadiisa –taas oo salka u xaaraysa xiriir dhumuc adag iyo iskaashi xooggan oo labadan dal –kuwaas oo aan niyad wacan kula naaloon jirin midowga Reer Galbeedka – dhex mara.
Hayeeshe, Erdogan, halkan wuxuu ka bartay laba cashar; midi waa inuu ogaaday dhagarta ay maleegayeen Reer Galbeedka, siiba Maraykanka, iyo sida uu kaga gaashaaman karo – midna waa inuu helay saaxiib si dhow oo lama filaan ah uga soo dhex-jibaaxay keynta madow ee ku jirta siyaasadda aan xasilin ee dhex ceegaagta Bariga Dhexe – kaas oo ah Ruushka.
Waxay sidoo kale tani siisay awood xad-dhaaf ah iyo kalsooni xeel-dheer oo ay la garab istaageen dadweynaha Turkiga iyo dunida Muslimka oo laga muujiyay sida loola taagan yahay dhankiisa.
Hadda, Rajab Dayib Erdogan, waxa xiga dhacdadani waa inuu si ballaaran u naqdiyo; una weeraro siyaasadda gurracan ee Galbeedka oo ku dhisan laba-wejiilanimada iyo inuu sidoo kale xiriirrada uu la leeyahay dalalka aan la dhacsaneyn dunida Galbeedka uu soo dhaweysto –adkeeyana isku soo dhawaanshiyaha uu ka sameyn karo iskaashiga dunida Muslimka.
Tanina waa hammi fog iyo himilo qoto dheer oo ku dhisan dib usoo nooleynta doorkii Turkigu ku lahaa dunida Muslimka iyo badalista nidaamka uu ku socdo dalkiisa.
Waa kuwaan hadaba hadallada laga qabtay madaxweynaha Turkiga iyo madaxda kale ee dalkaas ee ku aadan himiladooda.
  1. “In ka badan 1.5 bilyan oo Muslimiin ah ayaa sugaya Turkiga inuu soo nooleeyo rajadooda iyo bud-dhigga Khilaafada Islaamka,” ayuu yiri Erdogan, sanadkii 2014.
  2. “Nidaamkii Cilmaaniga wuu dhicisoobay. Xaqiiqdiina waxaan rabnaa inaynu badalno nidaamkaas,” ayuu yiri Erdogan, sanadkii 2007.
  3. “Ma noqon kartid Muslim iyo Cilmaaani isla waqti. Cilmaanigu masheegan karo Muslimnimo. Waayo Muslimiintu waxay rumeysan yihiin in Ilaahay uu talada iyo maamulkaba leeyahay. Cilmaaniyiintuna waxay rumeysan yihiin in shacabku ay yihiin kuwa wax maamula. Taasina waa qalad,” ayuu yiri Erdogan, xilli uu ahaa maayarka magaalada Istanbul, sanadkii 1996.
  4. “Hadda waxaa la joogaa waqtigii calanka Falastiin uu ka lulan lahaa ciida Gaza,” ayuu yiri Erdogan mar uu ahaa ra’iisul wasaaraha Turkiga.
  5. “Xaqiiqdii, ilbaxnimo iyo xadaarad cusub ayaa soo bidhaami doonta; ilbaxnimadaasuna waxay noqon doontaa mid Islaami ah taas oo hoggaamin doonta qarniga 21aad. Waana ay iska cadahay in cidna aanay is hor-taagi doonin jidka ilbaxnimadaas. Muslimiintuna waxay kasoo ruqaansan doonaan meeshii ay ku hareen – waana ku waajib,” ayuu yiri Erdogan, 2001.
  6. “Dimuqraadiyaddu noogama dhigna yoolkeenna; mana noqon karto. Marka aynu dimuqraadiyadda uga gudubno wadada Islaamiga ah, waxaynu garwaaqsaneynaa inay dimuqraadiyaddu tahay jid la maro oo kaliya,” ayuu yiri Erdogan, 2001.
  7. “Qarniga 21aad, wuxuu noqon doonaa qarni TURKIGU leeyahay,” ayuu yiri Turkug Ozal, madaxweynihii sideedaad ee dalka Turkiga.
  8. “Dunida cusub ee TURKIGA waxay u dhaxeysaa Gidaarka Weyn ee Shiinaha iyo Badda Adriatic-ga,” ayuu yiri Suleymaan Demirel, ra’iisul-wasaarihii 29aad ee Turkiga.
  9. “Reer Galbeedku waa laba-wejiilayaal. Markay tooda kaa arkaanna way kuu sacaba tumaan, markay kaa waayaanna, way ku sul-daaraan ‘af-ganbiyaan,” ayuu yiri Erdogan 2016.
  10. “Sida kaliya ee aan dunida wax kaga qabsan karnaa waa inagoo taranteenna badina – Alle ayaana ina faray. Dhagaha ka fureysta warkooda,” ayuu yiri Erdogan sanadkan dhexdiisa mar uu ka war-celinayay baaq kasoo yeeray hey’ado Reer Galbeed ah kuwaas oo sheegay in taranta la yareeyo.
Hadalladan laga qabtay mr. Erdogan iyo madaxda kale ee Turkiga, waxay biladaye u tahay sida xeesha dheer ee ay uga go’an tahay inay soo celiyaan khilaafada Islaamka.
 Siyaasadda Tukiga ayaa sanadihii dhawaa uga soo guureysay nidaamka Cilmaaniga – iyada oo isku badalaysa nidaam Islaami ah oo saameynayay muwaadiniinta dalkaas. Erdogan wuxuu furay dugsiyo Qur’aanka lagu xifdiyo iyo xarumo kale. Wuxuu bogaadiyay xirashada Xijaabka – oo ah tallaab aanay la dhicin Galbeedku. Isaga oo kala saaray xarumaha isku milan ee gabdhaha iyo wiilasha wax lagu baro kuwaas oo isla seexan jiray.
Wuxuu sidoo kale, dhawaantan, ku dhawaaqay qorshe uu ku dhiiri-gelinayo guurka. Isaga oo yiri; qof walba oo Turki ah oo guursada, wuxuu helayaa shaqo, guri iyo in kala bar laga bixiyo qoondada kaga baxaysa guurkiisa.
Ku darso, Turkigu waa dalka labaad ee ugu awoodda badan, milatari ahaan, ururka NATO. Waana dalka  koobaad marka la joogo Bariga Dhexe iyo sidoo kale dalka sideedaad ee ugu dhaqaalaha badan dunida kaas oo si xowli ah ugu socda horumar dhinac kasta leh.
Si kastaba, dad badan ayaa aaminsan in tallaabooyinkan yaryari ay Turkiga ku geyn doonto bootin dheer oo uu ku hanto dhismaha dowladda Khilaafada Islaamka taas oo hadaba dunida Muslimka ay Erdogan ugu yeeraan Sultan Abdil Xamiidka iyo Maxamed al-Faatixa cusub ee qarniga 21aad.
__________________________________________________________________
Qore: Zakariya Xasan Maxamed ‘Hiraal’– ah saxafi iyo qoraa Soomaaliyeed kaas oo lixdii sano ee ugu danbeysay ka faalooneyay arrimaha deegaanka, bulshada, Islaamka iyo siyaasadda. Waa qoraha buugaagta Duur-Joogteenna iyo Dhanbaalkaada.
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com; hiraal114@yahoo.co.uk.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!