crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Toddobaadka Xurriyadda iyo Xirashada Dharka Calanka. | HimiloNetwork

Toddobaadka Xurriyadda iyo Xirashada Dharka Calanka.

MUQDISHO (HN) — Goor barqo ah iyo gudaha mid kamid ah dawaarlayaasha Suuqa weyn ee Madiina, Khadra Maxamed waxay saaka u timid in dalab gaar ah oo ay ugu diyaargaroobayso munaasabad soo aadan loo sameeyo.

“Waxaan rabaa in la ii tolo dharka calankeenna shanta xidig leh,” ayay tiri. “Si aan ugu dabaaldego.”

Sannad kasta, toddobaad xurriyaddu wuxuu hadalheyn qaran ka noqdaa dalka siiba da’yarta ku xiran baraha bulshada, waxayna taasi ka dhigan tahay in da’yartan ku xoogsata farsamada harqaanle-nimada ay fursad dhaqaale u arkaan.

Cabqaadir Maxamed Xasan ayaana kamid ah.

“Shaqo si joogto ah loo qabto ayay noqotay maalmahan,” ayuu yiri. “Waayo gabdhuhu waxay xiisaynayaan inay kusoo lebistaan kana qeyb noqdaan maalmaha xurriyadda – ma doonayaan micnaha inay ammintaas gaarka ah lumiyaan.”

Marka loo eego Aways Cali oo ah dawaarle kale, waxaa jira dhowr hab oo gabdhaha loogu tolo dharka calanka.

“Waxaan uga tolnaa garba-saar, shalmad, baatiyaal bacweyne ah iyo wixii la halmaala,” ayuu yiri. “Gabar walba tabarteeda iyo dookheeda ayay isku qiimeysaa.”

Farxadda ay gabdhuhu kaga qeyb noqdaan dabalaldegga toddobaadka xurriyadda – in kasta oo ay qeyb ahaan muujinayso kaalintooda waddaniyadeed iyo middooda bulsho – haddana, xaqiiqdu waxay tahay lacag adag ayaa uga baxda inay dharka calanka u diyaarsadaan xuska maalmaha xurriyadda.

“Maalmahaas waxaan aniga iyo asxaabtayda soo galnaa sawirro aan ku weyneynayno munaasabadaha,” ayay tiri. “Marna waa dabaaldeg taariikh oo lama huraan ah; kolna waa goor farxad iyo ayaan leh oo aan isla qeybsanayno jiilkeenna maanta.”

Sidaas darteed, taniyo bilowgii bishan ayuu sheegay Cabdiqaadir in shaqadoodu ay ku yareyd tolidda dharka kale ee caadiga. Mana ahan gabdhaha oo kaliya.

“Dharka ugu badan oo aan tolno, wuxuu noqday kuwa calanka,” ayuu yiri. “Gabdhaha yaryar iyo waaweyn intaba, waan u tolnaa.”

Mana jirto dalab ay raggu ula yimaadaan oo ku saabsan dharka calanka. Waana adeeg u gaar ah dumarka.

“Maya raggu uma baahna in dirac iyo baati looga tolo dharka calanka,” ayuu yiri. “Waxay iibsadaan jaakadaha midabka buluugga ah.”

Sannadihii lasoo dhaafay, xuska maalmaha xurriyaddu waxaa heer kale kor ugu dhigay da’yarta hablaha u badan kuwaas oo badanaa la arko iyaga oo ku labisan dharka calanka.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!