crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Gudaha Isbitaalka u gaarka ah Galeyrka + Sawiro. | HimiloNetwork

Gudaha Isbitaalka u gaarka ah Galeyrka + Sawiro.

MUQDISHO (HN) — Souq Waqif waa isbitaal ku yaalla caasimadda Dooxa, dalka Qadar, waxaa maalin walba lagu dabiibaa 150 bukaan – dhammaantoodna waxay leeyihiin baalal. Waayo waa goob loogu tala-galay in lagu daweeyo Galeyrada.

Dunida Carabta badi waxaa ka jira dhaqan ah xanaaneynta iyo daryeelka galeyrka. Waxaana loo carbiyaa tartanka ugaarsiga iyo wixii la halmaala. Waana sababta kamid ah ujeeddo badantaas midda loo yagleelay isbitaalkan.

In la ilaaliyo bedqabka iyo muuqaal-wanaagga Galeyrada waa labada ugu muhiimsan. Sidaas darteed, bahda caafimaad ee ka howlgala isbitaalka, waa kuwa ku xeeldheeraaday shaqada ay u hayaan galeyrada bukaannada ah.

Sannadkii 2008 ayaa la dhisay. Wuxuu dhacaa meel kamid ah goobaha ugu qadiimsan Dooxa. Waana gudihiisa marka aad gasho, kolka aad ka fahmayso in shimbirka galeyrku uu dalka Qadar ka yahay kan loogu jecel yahay haadda duusha. Nolosha hidde-dhaqanka ee dalka Qadar ayuu ka qeyb yahay. Waxaana tartamada iyo munaasabada kale ee loo qabto galeyrada laga helaa lacago adag.

Baaris caafimaad oo dhammeystiran, raajito, qurxinta iyo qaabsameynta waa howlaha maalinlaha ah ee loo qabto galeyrada la keeno isbitaalka. Wax walba oo isbitaal casri ah dhex yaal ayaa lagu diyaariyay gudihiisa.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!