crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Waardiyihii Shalay ee Maanta Xafiis fadhiya + Sawirro. | HimiloNetwork

Waardiyihii Shalay ee Maanta Xafiis fadhiya + Sawirro.

MUQDISHO (HN) — Si caadada u ah subax walba, Da’uud Maxmauud Maxamed oo ku magac-dheer Da’uud Muudeey wuxuu xafiiskiisa ku qaabilaa howlwadeennada xafiisyada laamaha kala duwan  ee Jaamacadda Muqdisho si uu uga dhageysto tabashadooda – uguna fududeeyo baahiyaha uga xiran xafiiskiisa.

Waana mid kamid ah u qeybsanayaasha xafiiska howlaha guud iyo qalabeynta Jaamacadda oo uu ka howlgalayo taniyo sannadkii 2018-ka.

Aad buu runtii ula qabsaday shaqadiisa. Wuxuuna ku noqday waaya’arag maareynteeda. Laakiin halgankii uu ku yimid heerka uu maanta joogo, wuxuu kasoo bilowdaa 18 sanno kahor markii uu kamid noqday shaqaalaha Jaamacadda Muqdisho qeybta ilaalada ama amniga.

“Shaqadayda way ii fiicneyd waana ku qanacsanaa,” ayuu yiri Daa’uud oo ku jira da’diisa 40-jirnimada.

Lix sanno kaddib, Da’uud wuxuu ku dhiiraday inuu qaato go’aan ka duwan midkii ay kuwada joogeen  asxaabtiisa kale oo ah inuu wax-barto.

“Isla markaas ayaan go’aansaday inaan wax barto,” ayuu u sheegay Radio Himilo. “Waxaana ku biiray iskuul kasoo horjeeday xaruntayda jaamacadda.”

Muddo afar sanno ah ayay ku qaadatay inuu kaga soo aflaxo wax-barashada dugsiga sare. Mana ilowsana garbihii ka caawiyay inuu labada howlba isku qabsado.

“Saaxiibadayda shaqada ayaa iga caawin jiray in gelinkayga ay iga buuxiyaan,” ayuu yiri. “Anigana markaan imaado ayaa beddeli jiray.”

Sannadkii 2014-ka, si kastaba, Daa’uud Muudey wuxuu mar kale go’aansaday inuu sii wato waxbarashadiisa, wuxuuna ku biiray Jaamacadda Muqdisho qeybta Sharciga iyo qaanuunka. Laakiin hal caqabad ayaa jirtay oo aanu iskiis uga gudbi karin.

“Qeybta aan ka shaqeeyo iyo kulliyadda aan rabay isku xarun ma ahayn,” ayuu yiri. “Maamulka ayaan weydiistay inay iisoo wareejiyaan kulliyadda aan doortay; wayna iga aqbaleen.”

Afartii sanno ee xigtay, wuxuu gelin ahaa ilaaliye ama waardiye kamid ah waardiyayaasha Jaamacadda – gelinka dambana wuxuu kamid ahaa boqollaalka ardayda ah ee fasallada ku jirta.

Maalmuhu waxay isugu beddeleen toddobaadyo; toddobaayadiina bilooyin; bilooyinkiina sannado ilaa uu ugu dambeyntii dhameeyey.

Ustaad Cabdiwali Cabdullahi Maxamed oo kamid ah macallimiinta  kulliyadda sharciga iyo qaanuunka ee Jaamacadda ayaa ka warramay sida ay uga falcelin jireen xaaladda Daa’uud oo marna shaqaale ka ahaa xarunta marna ardaygooda.

Daa’uud wuxuu sheegay in reerkiisa siiba afadiisa ay ahayd shidaalkii iyo xooggii dhaqaajinayay hadiyo jeer iyo shankaroon uu ka mahdiyay nafhurnimadeeda.

“Wax walba oo mas’uuliyad ah iyada ayaa iga xigsatay; mana isoo gaari jirin wax walwal iyo mushkilad ah,” ayuu yiri.

Mana ahan kaliya inay ka dabbartay mas’uuliyadda reerka. Waxay sidoo kale si fiican uga baxsaneyd sida uu ugu baahan yahay inay garabkiisa buuxiso.

“Mararka qaar inta ay soo kacdo saqbarkii ayay ii diyaarin jirtay quraacda iyo dharka; siiba habeennada aan fasax ka ahay shaqada waardiyenimada Jaamacadda,” ayuu yiri. “Waxaana ii suura-geli jirtay inaan goor hore fasallada la xaadiro ardayda.”

Marka loo eego Cabdikaafi Xaashi Faarax, oo ah agaasimaha xafiiska shaqada iyo shaqaalaha ee Jaamacadda Muqdisho, Daa’uud ma ahan qofka qura ee kusoo biiray kaas oo fursad wax-barasho ka helay gudaheeda.

“Daa’uud wuxuu kamid yahay tiro toban ku dhow oo kusoo biiray wax-barashada xilliga ay ku jireen shaqooyinkooda caadiga ah sida darawalnimada, waardiye, nadaafadda iyo wixii la halmaala,” ayuu yiri. “Markii ay qalinjebiyeenna, waxay usoo dalaceen heerka maamulka iyo maareynta shaqada – qaarna waxay shaqooyin ka heleen xarumo kale.”

Hayeeshe, Da’uud oo ii sheegay inay carruurtiisu kaga daydaan miraha halgankiisa suuban, ma ahan mid doonaya inuu intaas ku joojiyo wax-barashada.

“Waxaan goordhow jeclahay inaan bilaabo marqaatigayga labaad ee Jaamacadda.”=

Badanaa inta ku qanacda heerka ay ka joogaan nolosha. Yaraa inta sida Daa’uud ku dhiirrata inay gacmahooda ku sameystaan nuuca mustaqbalka fiican oo ay rabaan inay naftooda iyo qoyskooda kula noolaadaan.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!