Liverpool (Himilonetwork) – Xiddiga Sadio Mane ayaa la arkay isaga oo nadiifinaya Masjidka magaalada Liverpool xilli kooxdiisu ay 2-1 uga badisay naadiga Leicester.
Muuqaalka laga soo duubay ayaa ku baahay baraha bulshada isaga oo nadiifinaya musqulaha Masjidka.
Masjidka ayaa la rumeysan yahay inuu yahay Al-Rahma Mosque kaas oo Mane uu si joogto ah u booqdo xilliyada salaadda.
You must log in to post a comment.