Cape Town (Himilonetwork) – Maxkamad ku taalla dalka Koofur Afrika ayaa ku amartay dowladda dalkaas inay aqoonsato guurka Islaamiga ah ee Muslimiinta kaddib sannado badan oo loo ol’oleynayay in la dhowro xuquuqda dhallaanka iyo haweenka.
“Maxkamadda Muslim Judicial Council (MJC) waxay soo dhaweyneysaa go’aanka maxkamadda Western Cape High Court ay ku aqoonsatay guurka Muslimiinta iyo xuquuqda dhallaanka iyo haweenka Muslimiinta,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ay soo xigatay Anadolu Agency.
Sharcigan oo ay soo saartay Maxkamadda Western Cape High Court, waxaa looga dan leeyahay in lagu dhowro xuquuqda dhallaanka iyo haweenka marka ay timaado furriinka labada lammaane ee is qaba.
Shaykh Riad Fataar, oo ah madaxweyne ku xigeenka Guddiga Muslimiinta Koofur Afrika ayaa tallaabtan ku tilmaamay mid horumarinaysa niyadda tira-yarta Muslimiinta ah.
Dalka Koofur Afrika waxaa ku nool 52 milyan oo kala dhaqan, midab iyo diimo ah. Muslimiinta ku nool dalkaas ayaa gaaraya 1.5%, marka loo eego Buugga CIA World Factbook.