Q1aad: Wax Ka Baro Haramacadka
Posted by: Zakariya
in Deegaankeenna
December 13, 2015
1,030 Views
Muqdisho (Himilonews) – Haramacadku waa jaad Bah-dinnad kamid ah. Wuxuu leeyahay dhibco-dhibco madmadow iyo seyn dheer. Aad buu u dheereeya xagga orodka. Haramcadku oo kolkolna la yiraahdo Haramacas wuxuu dilyoodaa ugaarta. Bootinta dheer iyo orodka aan lagu xuurtoon ee uu Eebe ku galladay ayaa ka dhigtay inuu si fudud ku qabtimo ugaarta. Haramcadku, sida Shabeelka, dadka kuma dhiirrado.
Haramacadku waa mid kamida shanta Bah-dinnad ugu wayn. Waa xubin kamida qoyska Felidea. Wuxuu ku baahsan yahay dhulka ooma-sooraha hoose ee Afrikada hodanka ah, galbeedka Aasiya, bariga dhexe iyo koofur Aasiya ilaa Seybeeriya.
Kolka lala bar-bardhigo xubnaha qoyskiisa reer Felidea, Haramcadku wuxuu leeyahay lugo gaagaaban iyo guud dheer oo leh laf-madax weyn. Wuxuu libta ku hantaa ku haliilidda fursadaha kediska ah.
Wuxuu ku dhaqmi karaa cimillo kala duwan. Wuxuu tallaabsan karaa 6—mitir mar kaliya. Halka 3—mitir oo qumaati ahna uu boodi karo. Wuxuu leeyahay kartida uu ku xawaareyn karo 58km/h saacadiiba. Wuxuu leeyahay awoodda uu dilanka uu dhufsado kula fuuli karo geedaha—si walba oo dilanku u culeys badan yahay.
Xigasho–Buugga Duur-joogteenna oo uu qoray Qore Zakariya Hassan “Hiraal”
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews.com
Related
2015-12-13
You must log in to post a comment.