Inta ugu badan sanadka, Cano Cristales river oo ku yaalla dalka Colombia kaliya waa mid aan ka duwanayn qulqul biyoodka webiyada. Hayeeshe xilli kooban oo kamid ah waqtiga, wuxuu yeeshaa muuqaal ku xardhan midabyo kala jaadad ah. Ajada yaryar ee ka hoos baxaysa biyaha ayaa iska leh sababteeda.
Marka la joogo xilligan, webiga oo dhan waxaa daboola midabyo kala jaadad ah sida buluug, cagaar iyo casaanka oo ay u dhaxeeyaan lakabyo ama hoosiis. Laakiin muuqaalkaas quruxda leh wuxuu ku idlaadaa maalmo kooban oo u dhaxeeya deyrta iyo jiilaalka. Balse taas ayaaba kasii dhigi karta mid xiiso goonni ah xanbaarsan.









