crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Nin doonay in loo xiro xatooyadiisa si uu xabsiga dhexdiisa uga helo cunno uu ka dhargo! | HimiloNetwork

Nin doonay in loo xiro xatooyadiisa si uu xabsiga dhexdiisa uga helo cunno uu ka dhargo!

MUQDISHO (HN) — 60 jir ku nool jaziirad-la-moodda Thailand ayaa taabtay qalbiyo badan kaddib markii uu farmashiye ka xaday daawo si loo xiro kadibna loo dhigo gaalshiraha maadaama uu heli waayay wax uu cuno.

Ninkan oo markii dambe boolisku magaciisa ku sheegeen Phichit wuxuu waayay meel uu noloshiisa ka maareeyo oo uu xoogsi tago. Sidaas darteed, beddelkii uu gaajo ugu dhiman lahaa bannaanada, wuxuu istusay inuu muto dambi uu ku tagi karo xabsiga si uu ugu yaraan wax uu cuno uga helo gudihiisa.

Lacagta uu xaday waxaa lagu sheegay inay ka yar tahay hal doolar oo ah THB17 ($0.47). Laakiin ganaax adag ayaa ka yaalla xatooyada oo ah in qofku bixiyo soddon laabka qiimaha waxa la xaday ama xabsi muddo go’an ah. In kasta oo mulkiilaha farmashiga uu doonayay inuu ka dhaafo ganaaxa iskana fasaxo, haddana ninkan ayaa codsaday inuu boliska loogu yeero si loo xiro.

Phichit ayaa dalbaday in loo xiro qaladkii uu galay. Markii si kastaba la weydiiyay sababta uu ugu adkeystay go’aankiisa, wuxuu sheegay in doorbido xabsiga si uu saddexda waqti wax uu cuno uga helo gudihiisa madaama uu xurriyadda bannaanka ka ah xabsiga uu ku waayay wax uu cuno.

Wuxuu hoosta ka xariiqay inay ku adkaatay shaqo uu ku maareeyo noloshiisa, una cabsaday naftiisa marba haddii uu heli waayay cunno uu ku dhargo maalin walba.

Macadda sida boolisku ay arrintiisa ula falgaleen, laakiin tani waa mid kamid ah xaqiiqooyinka qaraar ee ka jira Thailand oo muwaadiniin badan ay la daalaa-dhacayaan cunno yaraan baahsan ee dalkooda ka jirta. Waxaana ka dhashay sicir barar gaaray heerkii ugu xumaa taniyo sannadkii 2008.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!