crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Waalidiin da’yar oo iibsaday cunuggii ay dhaleen oo 2-toddobaad jir ah si ay u gataan iPhone iyo mooto | HimiloNetwork

Waalidiin da’yar oo iibsaday cunuggii ay dhaleen oo 2-toddobaad jir ah si ay u gataan iPhone iyo mooto

Beijing, China (MUSTAQBALRADIO) – Nin ayaa u kacay dhinaca booliska si uu u war-geliyo lamaane da’yar oo iibiyay cunuggoodii laba toddobaad jirka ahaa.
Booliska Shiinaha ayaa u xiray lamaanahan inay cunuggoodii yaraa ay ka iibiyeen nin ay kula kulmeen baraha kulanka bulshada.
Aabaha oo lagu sheegay Duan oo 19-jir ah, wuxuu bartiisa kulanka bulshada ku qoray inuu doonayo in cunuggiisa oo laba toddobaad jir ah uu ku iibsado lacag dhan 23,000 oo Yuan ah una dhiganta 3,500$.
Nin ayaa kusoo fal-celiyey inuu lamaanahan ka iibsado cunugooda–isaga oo ku simay gacanta walaashiis hadiyad ahaan.
Lamaanahan ayaa sheegay inaysan u qorsheysan uurka–iyaga oo la halgamaya taageerada naftooda oo aysan awoodin inay u halgamaan nolosha cunuggan kusoo kordhay.
Lamaanaha ayaa isticmaalay lacagtii ay ku gateen cunuggoodii yaraa. Waxayna ku iibsadeen tilifoonka iPhone-ka la yiraahdo iyo mooto.
Maxkamadda ayaa hadaba Duan ku xukuntay saddex sano oo xarig ah. Halka Xiao Mei iyadna lagu xukumay sanad iyo bar xabsi ah maadaam ay daryeeleyso waalidkeed oo cuuryaamiin ah.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!