Aqoon-yahan Japaniis ah oo gabdhaha dalkaas ugu baaqay inay wax dhalaan oo su’aalo la weydiinayo
Posted by: Zakariya
in Wararka
March 16, 2016
289 Views
Tokyo, Japan (HIMILONEWS) – Waaxda saraakiisha waxbarashada ee dalka Japan ayaa baaritaan bilaabay kadib markii maamule iskuul uu boqollaal gabdhood oo ardaydiisa ah ku waaniyay in kahor intaanay sii guda-galin marqaati-yada sare ee jaamacadda ay habboon tahay inay hal ama ka badan oo carruur ah dhalaan.
Hisao Terai, oo ah maamulaha dugsiga sare oo Osaka ku yaalla, ayaa gabdho ku dhow 600 kahor sheegay in–iyaga oo wax dhalay–heystana carruur ama cunug–ay galaan heerka sare ee jaamacadda.
Terai ayaa sharaxay sida ay uga muhiimsan tahay dhalista carruur iyo reer yeelashada in la sameysto shaqo iyo koleej sii aadid. Guddiga ayaa hadaba doonaya inay tallaabo ashaxeed ka qaadaan Terai falkii uu ku kacay awgeed.
Mar Terai la su’aalay inuu faalladiisa cabbiro, wuxuu guddiga u sheegay inuusan arag wax dhib ah oo la qaldan faalladiisa–isaga oo intaas kusii daray in farxadda ugu weyn ee haweeneydu heshaa ay tahay inay ilmo dhasho.
Terai ayaa sidoo kale tilmaamay in haddii gabdhuhu ilmo dhalaan ay yareyn doonto dheelliga ku socda tirada dadweynaha Japan–jawaabna u tahay mushkiladdan.
Bishii hore, dowladda ayaa shaacisay in tirada dadweynaha Japan ay hal milyan ku dhawaad hoos u dhacday shantii sano ee lasoo dhaafay.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2016-03-16
You must log in to post a comment.