MUQDISHO (HN) — Dood adag ayaa ka dhalatay muuqaalka haweeney nadaafadda u qaabilsan shirkad ku taalla Shiinaha kaas oo la arkay iyada oo kortagga lagu saxaroodo kasoo darsanaysa biyo u muuqda inay nadiif yihiin si ay u cabto.
Haweeneyda oo goor hore shaqada nadaafadda shirkadda dhameysay ayaa ugu yeereysa maamulaheeda si uu uga marqaati kaco heerka hufnaan ahaaneed oo ay gaarsiisay nadaafadda musqulaha.
Kadibna waxay galaysaa albaabka suuliga oo furan waxayna biyo kasoo darsanaysaa kortagga lagu saxaroodo kahor inta aysan cabin biyaha. Waxay sheegtay in sannadihii tagay ay dhowr jeer sidaan oo kale biyaha uga darsatay kortagga si ay u cabto.
“Tani waa caddeyn ebyan ah oo ay ku muujinayso howlkarnimadeeda,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Xhongcheng Fertiliser Technology. “Waxay dooneysaa inay tilmaanto heerka uu gaarsiisan yahay kalsoonida ay ku qabto shaqadeeda.”
“Waxaan rajeynayaa in shaqaalaha laamaha kale ee shirkadda ay sidaan oo kale uga soo dhalaalaan shaqadooda,” ayay tiri haweeneydan oo la yiraahdo Luo.
Saaxiibada shaqada ayaa sheegay in taniyo markii ay kamid noqotay howlwadeennada shirkadda sannadkii 2014-ka ay howlaha loo xilsaaray u gudan-jirtay si daahfuran.
Afhayeen ayaa isaga oo la hadlaya saxaafadda wuxuu difaacay maamulka shirkadda isaga oo falka haweeneydan ku tilmaantay mid aan lagu amrin inay fuliso.
In kasta oo in badan ay la-yaab awgiis sunniyaha la taageen, haddana waxay qaadan waayeen xagjirnimada ay ku kacday.
“Tani looma baahneyn.” ayuu yiri faalleeye.
“Waxay ila tahay in qofna aanu sharafkiisa dhaafsan heer intaan la’eg, xattaa haddii biyaha ku jira ay nadiif yihiin, waa goob laga habboon yahay in laga darsado.”
You must log in to post a comment.