MUQDISHO (HN) — Saddex ururrada Muslimiinta Norwey kamid ah ayaa bilaabaya ol’ole ay dadka aan Muslimiinta aheyn ugu qeybinayaan kitaabka Qur’anka.
Tallaabadan ayaa daba socta toddobaad kahor markii dibadbax Islaam naceyb ku saleysan oo ka dhacay gudaha Norwey uu ruux kamid ah dibadbaxyaasha isku dayay inuu gubo nuqul kamid ah Kitaabka Qur’anka.
Hamza Ansari, oo ku jira guddiyada mid kamid ah ururrada Muslimiinta ayaa yir; ”Dad badan mafahmsana micnaha xeesha dheer ee Islaamku u taagan yahay iyo farriinta Qur’ankani uu sido, waxaan rajeynayaa in ol’olahani uu dad badan ka saacidi doono inay xaqiiqda haleelaan.”
Magaalada Bergen iyo caasimadda Oslo ayaa laga qeybin doonaa nuqullada kitaabka Qur’anka. Waxaa lagu raja-weyn yahay in ol’olahani uu isku soo dhawaansho iyo faham qoto dheer ka dhex abuuro bulshooyinka ay la nool yihiin Muslimiinta Norwey.
You must log in to post a comment.