Muslimad Cafis u fidisay Nin Muslim naceyb kula kacay!
Posted by: Himilo
in Dunida Muslimka
September 9, 2018
507 Views
VANCOUVER (Himilonetwork) – Da’yar Canadian Muslim ah oo sannadkii hore lagu qashqashaaday tareen ay saarneyd ayaa iska cafisay ninkii dhibtaas u geystay.
“Adigaa dartaa ayaan kusoo koray, waana ku cafiyay waxaana ku bedelayaa dunida cafiskayga,” 18-jirta lagu magacaabo Noor Fadel ayaa maxkamadda horteeda uga sheegtay danbiilaha.
Markii Fadel ay saarneyd tareenka bishii December sannadkii hore, waxaa ereyo naceyb leh kula hadlay nin usoo dhawaaday kaas oo markii danbana isku dayay inuu xijaabka ka tuuro.
Ninkan oo markii danbe lagu sheegay 47-jir lagu magacaabo Pierre Belzan, wuxuu sidoo kale kala tuuray Noor, wuxuuna sidoo kale isku dayay inuu jirkeeda taabtaabto.
Sheekadeeda waxay bannaanka timid markii samafale lagu magacaabo Jake Taylor uu soo fara-geliyay labadooda – ninkana uu u sheegay inuu tareenka isaga dago.
Maalintii Arbacada waxay maxkamadda kahor sheegtay inay cafis u fidisay danbiilaha kula kacay falka naceybka xanbaarsan.
Related
2018-09-09
You must log in to post a comment.