MUQDISHO — Sannadkii 2013-ka, waqti galab ah waxaan maqalnay in kooxda al-Shabaab ay qabsatay dhismaha Westgate Mall. Xaalkuna wuxuu ahaa mid gilgilay qalbiyada Kenyaanka. Wuxuu ahaa kii ugu horreeyey oo al-Shabaab ay ku qabsadaan xarun ganacsi oo – Meesha ay ku taallo marka loo fiiriyo – ay adkeyd in laga filasho weerar sidaas oo kale inay kusoo qaadi karaan.
Balse waxay dunida u caddeeyeen inay awoodaan. Ku dhawaad 70 qof ayaa ku dhimatay – halka tira kale oo dhaawacyo kala duwan qabana ay ka tageen. Hayeeshe, xusuusta weerarkaas wuxuu ahaa mid maalmo kusii nagaada qalbiyadii la tiiraanyeysaa. Baqa-weerarkii ay dhacdadani sababtay, waxay saadaal aan fiicneyn ku beertay rayidka.
In kasta oo cabsi xooggan ay dhacdadani ku dhalisay dhammaan muwaadiniinta Kenyanka ah, haddana looma wada sinneyn xanuunka. Ehellada dadkii ku wax-yeeloobay iyo intii ku dhimatayba, waa kuwa ugu boholyowga darnaa. Balse dad iyo dowladba – siyaasi iyo suxufiba – waxaa loo muujiyay garab istaag. Waxaana si ficil ah loo dareensiiyay inaysan kaligood xanuunsaneyn. Waxaa la hir-geliyay hal-ku-dhag ol’ole ahaan loogu yeeray ‘UnitedByBlood’ #WaxaanNahayIskuDhiig.
Saxaafaddu waxay si joogto ah u hir-gelinaysay aragti fog oo ah #KenyaIsOne oo looga gollahaa inaysan ku kala qeybsamin dhacdada. Waxay sidoo kale dirayeen farriin ah inaysan isku dhiibin hal musiibo – iyaga oo xusuusinaya qarannimada iyo nabadda ay ku caanamaalayaan inay kusoo bixiyeen naf iyo maal. Musiibadan oo kalana ay kaga gudbi doonaan hal-adkeysi iyo dhirranaan. Sidaas awgeed, waxay ku guuleysteen inay bulshada ka jeediyaan ka fikirka musiibada – una jeediyaan wax ka qabashadeeda. Waxaana la arkayay muwaadiniin badan oo si mutadawacnimo ah uga qeyb galayaa gurmadka loo sameynayo dhibanayaasha laga soo badbaadinayay weerarka.
Waxaana la arkayay muwaadiniin hadba wixii karaankooda ah kaga qeyb noqonaya gurmadka. Qaar ayaa dhiig-bixiyaal noqday si dhaawacyada dhiig baxa u dhiman kara loogu dhiibi tiro.
Geesta kale, siyaasiyiinta mucaaradka ah ee dowladda waxay si geesinimo iyo shucuur-qarannimo xanbaarsan uga qeyb galayeen gurmadka. Waxaa qaarkood – oo xilligaas sib ba’an u diidanaa nidaam siyaasadeed ee MD Uhuru ay – si cad meel iskaga dhigeen ku kala duwanaanshahooda mabda’ ahaaneed ee kala dhaxeeya dowladda. Waxaana ay dhinac kala soo jeesteen gurmadka qaran. Qaarkood ayaa Aqalka Harambee ee looga arrimiyo Kenya kula kulmay MD Uhuru si ay dunida iyo dadkoodaba ugu caddeeyaan inay ka midaysan yihiin ficil-weerarka al-Shabaab.
‘Doorasho way timaada waana lagu kala baxaa; laakiin dalkeennu wuu jirayaa waligiis waan ku noolaaneynaa,” ayuu yiri Rail Odinga oo xilligaas hoggaaminayay Xisbiga Orange.
Marka aynu ka nimaadno dunida kale jaarkeenna ah, waxaa cad in saxaafaddeenna iyo siyaasigeennuba aysan kaalintii loo baahnaa iyo ereyadii mudnaa in looga fal-celiyo musiibooyinka aysan ka bixinin. Wax caadi ah ayay iska noqotay in saxaafadeennu ay ku sinnaadaan falan-qeynta dhacdada. Mana hir-geliyaan hal-ku-dheg qaran iyo shucuur-waddaniyadeed oo midaysan si loola tacaalo mushkiladda jirta. Intooda badan waxay qododa la xiriira dhacdada iyo musiibada markaas taagan kusoo af-meeraan ma ahan markii ugu horreysay oo ay sidaas iyo sidaas wax noqdaan.
Siyaasaddeenna gudaha oo wali ku jirta anba-qaadka hore ee geeddi-socodka maamul-wanaag ee dowladnimadeenna, waxay siyaasiyiinteennu badigood kala garan Karin waqti ay tahay in – dhaliil wax dhisaysa – hawada loo mariyo Xisbiga talada haya iyo waqtiga ay tahay in si midaysan loola dhinac gurmado dowladda marka ay timaado xaalad qarankeenna dhirbaaxo ku ah.
In kasta oo aan la saadaalin karin goorta si midaysan mucaaradkeenna – midka hubeysan oo xalka ku baadigoobaya qoriga iyo midka dhawaaqiisu dhinbilaha ka kulul yihiin ay wadajir iskaga kaashan doonaan hal-jiheynta iyo hoga-tusaaleynta habboon – haddana, waxaa muuqata inaysan u bisleyn falsafadda kala-gooreynta iyo inaan dhibaatada taagan laga dhex fiirin dheef.
Qaraxii dhawaa ee Makka al-Mukarrama wuxuu u muuqday mid kala saari kara hanka siyaasiyiinteenna qaar. Halka in badan ay gaareen inay safka hore ka galaan u gurmadka iyo u gargaarista dadkii ku wax-yeeloobay qaraxa, in yar oo kamid ah ayaa fursad ka dhex helay buunbuuninta dhacdada kuwaas oo dhaliisha ka dhigtay seef ana ka saawirin hadiyo jeer.
Si kastaba, hal aan la isku diidaneyn in dhaliishu lama huraan u tahay umadaha dhismaya, haddana Siyaasiyiinteenna KAN UGU CADCAD, wuxuu ku taagan yahay ‘Qeyladii yeertaba, Qof bay qeyrkiisa ku jirtaa.’
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: hiraal86@gmail.com
You must log in to post a comment.