crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Erdogan oo haween mudaharaadayay ku eedeeyey inaysan qadarrin Islaamka. | HimiloNetwork

Erdogan oo haween mudaharaadayay ku eedeeyey inaysan qadarrin Islaamka.

Istanbul (HN) — Madaxweyne Erdogan ayaa haween iskugu soo baxay bartamaha Istanbul ku eedeeyey inay xushmad-darro ku sameeyeen Aadaanka salaadda markii ay qeylada iska sii wateen xilli mu’adinku uu waday aadaanka salaadda duhur.


Haween badan ayaa iskugu soo baxay gudaha caasimadda maalintii Jimcaha iyaga oo xusaya Maalinta Caalamiga ee Haweenka, hayeeshe booliska ayaa ku kala eryay sunta dadka ka ilmeysiisa.

Muuqaal uu Erdogan kala soo muuqday telefishanka Qaranka ayuu ku muujiyay haweenkan oo xilli ay ag marayeen Masjidka laga aadaamayo iska sii wadanaya qeyladooda.

“Waxay si dulleysi ah u ihaaneysteen aadaanka salaadda,” ayuu yiri Erdogan.

Balse qaar kamid ah haweenkii ka qeyb-galay bannaan baxa ayaa ku tilmaamay dhaliil aan loo meel-dayin hadalka madaxweynaha. Waxayna hoosta ka xariiqeen inaysan si ku-tala-gal ah u sameynin falka.


error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!