Masjid Ganaax ku mudan doona Aadaanka Salaadda
Posted by: Zakariya
in Dunida Muslimka
March 6, 2018
538 Views
Sweden (Himilonetwork) – Masjid ku yaalla dalka Sweden ayaa wajahaya cadaadis kii ugu xooganaa markii loo tilmaamay inuu ganaax ku mudan doono yeermada Aadaanka Salaadda.
“Ma fileynin in sharcigan oo kale loo baahnaan doono mar kale,” Imam Ismail Abu Helal ayaa u sheegay Swedish Radio.
Bulshada Muslimiinta ee ku nool Växjö ayaa kol hore qabsaday dareenka warbaahinta kadib markii Aadaanku noqday mid dooddiisa lasoo fara-geliyay.
Booliska ayaa uga digay Masjidkan inay haddii aysan u hoggaabsamin amarrada soo baxay ay wajahi doonaan ganaaxa.
Balse qof kasta ma ahan mid ku qanacsan go’aanak guddiga dowladda hoose. Koox u dhaqdhaqaaqda xurriyada tira-yarta ayaa tallaabtan ku tilmaamay mid ciriiri-gelinaysa xurriyadda diimeed ee Muslimiinta.
Muslimiinta Yurub ayaa wajahaya cadaadiskan oo kale taniyo muddo badan.
Bishii April 2013-ka, Muslimiinta Sweden waxay farxad la ooyeen markii ay maqleen aadaankii ugu horreeyey ee laga maqlo ciidda dalkaas.
Marka loo eego Tira-koobka Maraykanka, Muslimiinta Sweden waxay tirada dalkaas ee gaaraya 9-ka milyan ka yihiin 450,000-500,000.
Related
2018-03-06
You must log in to post a comment.