crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Laacibka Arsenal oo qaatay Diinta Islaamka. | HimiloNetwork

Laacibka Arsenal oo qaatay Diinta Islaamka.

MUQDISHO (HN) — Laacibka Arsenal, Thomas Partey ayaa qaatay diinta Islaamka – isaga oo ku biiraya diiwaanka dadka caanka ah ee kamid noqday bulshada Muslimka. Go’aankiisa qaadashada waxaa lagu soo daabacay barta Facebook isaga oo sheikh kala soo muuqanaya video xilli uu gacanta ku heysto kutubka Qur’anka.

Sidoo kale wuxuu bartiisa ku shaaciyay go’aanka. Thomas Party wuxuu qaatay Islaamka, Barakallah, ayaa lagu yiri bartiisa.

Partey wuxuu u dhashay dalka Ghana wuxuuna u saftaa qarankiisa iyo kooxda Arsenal oo kahor uu kaga yimid naadiga Spanish-ka ee Atletico Madrid.

Toddobaadkii hore, laacibka xulka qaranka Holland, Seedorf ayaa qaatay diinta Islaamka.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!