crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Qoyska ku nool Nolol-aan-Balastik lahayn ‘Plastic-Free.’ | HimiloNetwork

La kulan – Qoyska ku nool Nolol-aan-Balastik lahayn ‘Plastic-Free.’

Vienna (Himilonetwork) – Suureyso nolol aan lahayn balastik? Taasi waxay la micno tahay majiro kumbuyuutar, moobil, gaari iyo dhammaan wax walba oo aad u tix-gelin karto lama huraan. Waxay kuula dhawaaqi kartaa mid aan suura-geli karin casriga maanta lagu jiro, hayeeshe qoys ku nool dalka Austria ayaa caddeyn u ah in la sameyn karo. Sandra Krautwaschi, oo ku nool xaafad ku dhow Graz, dalka Austria ayaa dhawaan qortay Buug ay u bixisay ‘Plastic-Free Zone’ oo ay uga sheekeynayso sida iyada iyo qoyskeeda ay ula qabsadeen nolol ka madax banaan balastikada.
Waxay dhacdadani bilaabatay iyada oo ku sugan fasax ay ku joogtay dalka Croatia, waxay la yaabtay sida xeebtu ay qashin miiran u tahay. Carruurteeduna waxay warsanayeen halka qashinkani ka yimaado. Tani waxay sababtay inay is weydiiso sida balastikadu ay saameyn ba’an ugu heyso dunida maanta. In kasta oo mashruuca ‘recycling’ uu si wacan uga dhaqan-galay gudaha Austria, ma ahan sida dunida Yurub qaarkeed. Wax soo saarka batroolku wuxuu wasaqeynta degaanka ku noqday halis fool xun. 40-jirta Sandra waxay ogaatay in sida badan oo aan u iibsanno wax soo saarka laga sameeyo bacaha, waxaan qeyb ka noqoneynaa hadimada degaanka lagu hayo.
In yar kaddib markii ay kasoo laabatay Croatia, Sandra waxay daawatay filim la yiraahdo Plastic Planet waxayna ka fahamtay sida balastikadu ay dhibaato ugu heyso dhulkeenna.
Marka loo eego filim-sameeyaha filimkan, Werner Boote, waxay qaadataa boqol sanadood in balastikadu ay ku dhamaato. Waxaan soo saarnaa balastik ku dhow 240 milyan oo tan sannad walba – oo wasaqeyn iyo naafo ku ah degaanka oo dhan – bad iyo berri. Balastikada oo laga sameeyo batroolka waxaa mid aan la cusbooneysiin karin ‘non-renewable resource’ taas oo saameysa arlada guudkeeda iyo waxa ku nool.
Waana markii ay isku dayday in bilowdo nolol ka madax bannaan balastikada, haddii lagu dhiirran karo. Waxa ay muddo bil is laheyd ku tijaabi ayaa isku rogay hab nololeed nolosheeda ka qeyb noqda. Wixii ugu horreeyey oo ay sameyso wuxuu ahaa inay iska xoorto dhammaan agabyada laga sameeyo balastikada. Waxay isku dayeen helidda bedel u dhigmi kara balastikada oo – asal ahaan – badi ka sameysan alwaaxda iyo caleemaha geedaha. Tallaabta kale oo ay isku go’aamisay wuxuu ahaa inaysan dib danbe ugu baahan walxo laga sameeyey balastikada.
Dhibta ugu adag qeyb ahaan mashruuceedu, wuxuu ahaa sida laga yeelayo mandiilka loo adeegsado suuliga. Hayeeshe waxay heleen wax u dhigma oo waliba dhamaati gali kara.
“Dadka qaar ayaa rumeysan inaan ku nool nahay tagtadii hore,” ayay tiri Sandra. “Balse sidaas ma ahan. Noloshu hadda waxay noqotay mid sahlan, degan, aadna u raaxo badan.” Waxay haddana garwaaqsatay inaysan noolaan karin balastik la’aan. Waayo xittaa alaabaha qaar ee lagu fariisto iyo kuwa kale sida galaasyada waxaa ku jira wax soo saarka balastikada. Ugu danbeynse, waxay awoodeen inay xadidaan. Waxay adeegsadaan korontada, baahida kale sida koofiyada mootada, waxayse gaari qura la wadaagaan qoys kale – iyaga oo isku daya inay soo iibsadaan alaabaha sugunto-maanada ah ee ka sameysan balastikada.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: hiraal86@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!