crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan: Nin – si uu kaga baxsado Deynta lagu leeyahay awgeed – Dalkiisa uga soo haajiray Dal kale ! | HimiloNetwork

La kulan: Nin – si uu kaga baxsado Deynta lagu leeyahay awgeed – Dalkiisa uga soo haajiray Dal kale !

MUQDISHO (Himilonetwork) – 29-jir u dhashay dalka Maraykanka ayaa go’aansaday inuu iskaga tago dalkiisa; una guuro xaafad kamid ah xaafadaha fogfog ee dalka Hindiya – si hadda kaddib uusan in badan uga walwalin deynta dulsaarka ah ‘ribada’ oo uu wax ku bartay. 
Si lamid ah American badan, Chad Haag, wuxuu lacagta wax-barshada jaamacadda ku qaatay qaab amaah ah, hayeeshe wuxuu halgan u galay inuu helo shaqo u dhiganta heerkiisa wax-barashada uu ka gaaray si markaas kaddib uu haddana u diyaariyo marqaatiga labaad ee jaamacadda – master degree. 
Wuxuu markii hore ka shaqo bilaabay xamaaliga daabulka alaabaha gaadiidka waaweyn. Kaddibna wuxuu kaga wareegsaday bare-ku-meel-gaarnimo oo jaamacadda uu ka bixiyay dhowr xiisooyin oo tirsamaya. Taasina waxay kaliya dabooli kartay nolol maalmeedkiisa caadiga ah oo kaliya – iskaba daa inuu iska gudo lacagta 20,000$ oo deyn ahaan loogu leeyahay. 
Mararka inuu bishiiba 300$ iska bixiyo ayaa ku noqotay mid ku adag. Waana markaas kolkii uu boorsadii u xirxirtay dalka Hindiya – kuna yiri nabadeey dalkiisa Maraykanka. 
Hadda wuxuu ku nool yahay xaafad yar oo ku taalla Hindiya. 
Isaga oo la hadlayay warbaahinta CNBC, wuxuu sheegay in deynta lagu leeyahay awgeed uu dunidaba u arkay meel ciriiri ku ah nolol ahaan. Wuxuu ogaa kuwa lamid ah oo isaga cararay US; balse markii uu in badan ka fikiray wuxuu go’aansaday inuu u guuro dalka aad uga fog waddankiisa. 
Wuxuu ku nool yahay guri ku yaalla Uchakkada – isaga oo dhawaan ku guursaday gabar Hindi ah, oo macalimad ka ah jaamacad. Hadda in badan kama warwarayo deyntii lagu lahaa. 
“Waa qaab nolosha kamida; haddii laan geed ay soo jabto; cidna aysan maqlin; ma wax jiraa?” ayuu yiri. “Waxaan oran karaa deyntu hadda culeys iguma heyso.”
 In kasta oo uu ogsoon yahay in 20,000$ aysan noqon karin deyn aad ugu badan oo kaligiis gaar ku ah, Haag wuxuu qiray in helid la’aanta shaqo ku kaalmeysa in si fudud bil walba uu isaga celiyo 300$ ay ku kalliftay inuu isaga soo dhaqaaqo dalkiisa Maraykanka. 
Chad waxaa kale oo uu qirsan yahay in nolosha halkan taalla ay aad uga fog tahay heer ahaan middii uu kaga soo tagay Maraykanka – sida adeegsiga musqulaha. Balse wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay qaadashada go’aankiisa. 
Wuxuu rajeynayaa inuu mar danbe uusan cagaha dhigi dooni dukaamada Walmart. 
“Waxaan nolol heer dhexaad ah ku heystaa gudaha Dunida Saddexaad.”
Khubarada dersa xaaladahan oo kale ayaa sheegay in u dhaqaaqista dal kale si looga baxsado deynta dulsaarka leh ay halis tahay maadaama amaah-qaatayaasha aysan dooneyn in dib danbe ugu soo laabtaan gudaha Maraykanka. Waayo waxay og yihiin in lacagta deynta ay kusii badaneyso marba marka kasii danbeysa haddii aanan la iska gudin. 
Sidaas oo ay tahayna, dad badan ayaa wali doorbidaya inay isaga cararaan dhulkooda. 
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: hiraal86@gmail.com. 
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!