crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Maqaayad – si is-dhexgalka dhabta ah loo dhiirri-geliyo – mamnuucaysa moobillada smartphones-ka. | HimiloNetwork

Maqaayad – si is-dhexgalka dhabta ah loo dhiirri-geliyo – mamnuucaysa moobillada smartphones-ka.

HELSINKI (Himilonetwork) – Chihuahua Julep, oo ah maqaayad ku taalla bartamaha caasimadda Helsinki ee dalka Finland, ayaa ka mamnuucday macmiisheeda inay ku dhex isticmaalaan moobillada nuuca shaashada leh ‘smartphones’ si ay u dhiirri-geliso is-dhexgalka dhabta ah ee bulshada.
Bilowgii hore mamnuucistu waxay ku bilaabatay si ogeysiin iyo tix-gelin ah. Hayeeshe, markii milkiilaha baarka uu dareemay in macmiishu ay ku raaxeysanayaan inay ku nastaan dunida dhabta ah ee is-dhexgalka dhabta ah ee bulshada hor-fadhisa – iyaga oo isla mar ahaantaana sheekeysi iyo kaftan dheer la qaadanaya saaxiibada kale ee baarka ku sugan, wuxuu go’aansaday inuu gebi ahaanba mamnuuc ka dhigo inaan lala soo geli karin moobillada shaashada leh.
Milkiile Jami Jarvinen wuxuu sheegay in dad badan la halgamaan la-qabsiga sharciga siiba dhalinyarada iyo waalidkooda la socda. Balse badi macmiishu waa kuwa la dhacsan inay raacaan awaamiirta lagu soo galo baarkiisa.
“Dadku waxay u baahan yihiin waqti ay dunida dhabta ah kula fal-galaan – bilaa smartphones. Mana ku dhiirradeen inay sidaan sameeyaan haddii aynan xoojin laheyn sharcigan,” ayuu yiri.
Wuxuu intaas kusii daray inuu indhihiisa ku arkay is-dhexgal cajiib leh oo dhex maray dadka ku sugan baarkiisa kuwaas oo waqti fiican isku helay inay ku sheekeystaan.
“Is-dhexgalka bulshadu waa mid ka duwan midka moobillada ka jira. Qaar badan waxay u muuqdaan inay ka daaleen balse ay maareyn kari la’ yihiin,” ayuu yiri Jarvinen.
Moobillada shaashadda leh iyo is-dhexgalka baraha bulshada ka jira waa mowduuc kulul oo aad looga hadal-heyn badan yahay gudaha Finland, iyada oo qubarada qaar ay tilmaamayaan in 90% dadka isticmaala smartphones-ka ay saaxiib dhow ka dhigteen moobilladooda.
Khubarada qaar ayaa soo jeedinaya in dugsiyada wax-barashada laga mamnuuco isticmaalka moobillada lana sameeyo la-talin xagga internet-ka la xiriirta.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!