MUQDISHO (HN) — Xalimo Maxamuud Adan waxaa Eebbe u fududeeyey aqrinta Qur’anka – xilli walba oo aysan macduur ahayn waxay jecleysataa inay aqriso kitaabka.
Waa ardayad dhigata Madrasad lagu barto Qur’anka. Waxayna ku jirtaa howlgal ay ku doonayso inaysan kaliya gudaha bisha Soonqaad ku xifdinin Qur’anka.
“Waxaan doonaya inaan saddex jeer dhammeeyo,” ayay tiri.
Maalin walba waqtiyo kamid ah jadwal howleedkeeda, ayay qeyb kamid ah siisaa aqriska Qur’anka.
“Waqtiyada salaadaha kaddib sida salaadda subax ayaan u fariistaa aqriska, waxaana u helaa ammin igu filan oo aan ku wada meeriyo.”
Kaliya ma ahan dumar badan oo Xaliimo oo kale ah kuwa doonaya inay xifdiyaan bisha Ramadaan Qur’anka ama ay dhowr jeer dejiyaan.
Rag badan sida Isaaq Cali Maxamed mashquulka badan ee jira kama horjoogsado inuu Qur’anka aqriyo maalin walba. Wuxuuna u maraa habraac u fududeyn kara.
“Salaad walba gadaasheeda waxaan u fariistaa inaan juz ama xisib dejiyo,” ayuu yiri. “waayo waa habka ugu sahlan oo aad maalin walba ku xaqiijin kartid inaad yoolkaada gaartay.”
Isaaq wuxuu Muslimiinta ku boorinaya aqriska Qur’anka iyo faa’iidada dheeriga ah ee qofka saa’imka ah uu ajar ahaan xagga eebbe uga helayo.
“Suubanaha wuxuu hadiyo jeer Muslimiinta ugu yeeri jiray inay deymo gaar ah siiyaan aqriska Qur’anka bisha Soonqaad,” ayuu yiri. “Madaama bishii lasoo dejiyay ay tahayna, waa in la badiyaa aqriskiisa.”
Howl joogto ah oo maalinta inta ugu badan iyo qeyb habeenkii kamid ah hortaalla dumarka, Xaliimo kama dhigan cudurdaar ay kaga baaqsato inay fursad u weyso aqriska Qur’anka. Waxayna farriin nool la wadaagaysa dhiggeeda.
“Howl baa howl looga tagaa,” ayay tiri. “Sii fursad maalintii inaad wax un ka aqriso Qur’anka.”
Bisha Ramadaan waa bishii Qur’anka. Waxaana dhacda in siyaalo kala duwan oo qof iyo jamacba isugu jirta mar iyo ka badan loo dejiyo 30-ka Juz oo uu ka kooban yahay.
Qore: Zaki Hiraale.
You must log in to post a comment.