crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ban-dhigga Buugaagta Banaadir oo maanta la daahfuray. | HimiloNetwork

Ban-dhigga Buugaagta Banaadir oo maanta la daahfuray.

MUQDISHO (HN) — Bilooyin dhowr ah oo Dabshidyadii lagu soo bandhigi jiray buugaagta ay qoraan qorayaasha Somaaliyeed ay galeen hakadweyn, waxaa maanta Xarunta Dhalinyarada Gobalka Banaadir lagu daahfuray Bandhiga Buugaagta Banaadir oo ah madal ay ku dhan yihiin qorayaasha ku sugan caasimadda dalka.

Yaxye Sigane oo ah kamid ah agaasinka madasha ayaa ku tilmaamay dhabbe iyo jiho cusub oo horay loogu jeexay bahda qorayaasha ah ee maalintii koowaad kusoo bandhigay buugaagtooda. Waxaana sida  la qorsheeyey uu Bandhiggani noqon doonaa mid sannadkiiba laba jeer la qabto si nafis loogu abuuro bahda qalinleyda caasimadda kuwaas oo muddaba u jeel-qabay helitaanka bandhig u gaar ah, sida uu qabo Guddoomiyaha Midowga Qorayaasha Somaaliyeed, Mudane Cali Suudi Nageeye.

Bandhigga waxaa kasoo qeybgalay madax kala duwan oo isugu jira heer gobol, xil-dhibaanno iyo marti Sharaf kale. Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim, oo sidoo kale ah, qoraa iyo taariikhyahan wax weyn ka qortay geedi-socodka iyo halganka umadeed ee dadka iyo dalka Somaaliyeed ayaa ku dheeraatay muhiimadda ay leedahay helidda bandhigyo sidaan oo kale ah oo lagu weyneynayo wax-aqriska iyo qoraalka.

Cariif ayaa isdul-taagtay halgankeedii adkaa oo ay kasoo martay wax-ku-qoriska iyo dhigaalka farta Somaaliga oo, sida ay tiri ku ahaa, mid adag madaama aysan aqoon durugsan u lahaan jirin adeegsiga habboon ee erey-cilmiyeedka afka Somaaliga.

Guddoomiyaha Dhalinyarada Gobalka, Makaraan oo isna goobta ka hadlay ayaa si gaar ah fursadda bandhigga buugaagta uga yeeray qorayaasha iyo bahda qalinleyda Somaaliyeed ee ku sugan caasimadda inay taakulo buugaag ah ugu deeqaan Maktabadda Injineer Yariisow oo dhawaan la daahfuray.

Waxaa kale oo khudbad dheer goobta ka jeediyay guddomiyaha Akadeemiye-goboleedka afka Somaaliga, Mudane Maxamed Daahir Afrax isaga oo ku dheeraaday ahmiyadda iyo baahida bahda jecel wax-aqriska iyo qoraalka ay uga dhigan yihiin kasoo qeybgalka bandhigyada ceynkan oo kale ah.

Afrax ayaa bogaadiyay bahda qalinleyda isaga oo ugu yeeray inay in badan hubin iyo qaabeyn sugan u yeelaan xogta ay dhigaal ahaan ugu soo bandhigaan bulshada Somaaliyeed si ay taariikhda u geliyaan keyd sugan.

Qorayaashii kasoo qeybgalay madasha ayaa qaarkood la siiyay amin kooban inay si kooban isu-dultaagaan nuxurka iyo farriimaha ku jira buugaagtooda.

Si kastaba, Bandhiga Buugaagta Banaadir waxaa la filayaa inuu socdo muddo saddex maalmood ah oo ka bilaabmaysa 2-4 bisha Febraayo.

Si kastaba, kani ma ahan bandhigi ugu horeeyey oo ay martigeliso caasimadda dalka. Afartii sano ee lasoo dhaafay, waxaa Xamar ka qabsoomay Dabshidka Carwada Buugaagta ee Muqdisho Book Fair.

Laakiin u gaar noqoshadiisa bahda qalinleyda ah ee ku nool Muqdisho ayaa siinaya mudnaan gooni ah. Waxaase la ogeyn haddii ugu dambeyntii looga maarmi doono bandhig kale oo ka qabsooma magaalada, madaama sida loo qorsheeyey uu dhici doono lixdii bil mar.

Qore: Zaki Hiraale.

Kala xiriir: hiraal86@gmail.com.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!