MUQDISHO (HN) — Sida horayba loo yiri Da’da waa un tiro waxaa jira tusaalayaal nool oo ifin kara sugnaanteeda. Helen Hayes oo ahayd jilaa Maraykan ah ayaa tiri; haddii aad howlgab noqoto, waad daxalaysan doontaa, waa sababta dad badan ay u doortaan inaysan ka noqon howlgab shaqada ay hayaan gaar ahaan marba haddii waxa ay qabanayaan ay tahay howl ay jecel yihiin. Tanina waxay dhab ahaantii u sugan tahay sarkaal booliska ah oo 92 jir ah kaas oo jadwalka noloshiisa ka saaray ereyga howlgab.
Toddobaadkiiba afar maalin oo kamid ah ayuu ka shaqeeyaa muddo 8 saacadood oo xiriir isaga oo kormeeraya laamaha degmada Arkansas sida iskuullada iyo goobaha ganacsiga. Waxaana yaqaan qof walba oo kasoo hor baxa.
Waxaa lagu magacaabaa Buckshot Smith waana dhal-yaqaan marka saraakiisha kale ay qofka ugu yeeraan magaciisa oo kaliya garan kii aabhiis iyo awowgiis waayo muddo 40 ka badan ayuu kamid ahaa booliska. Asxaabtiisuna waxay ka dhigtaan tusaalaha nool.
“Waan jeclahay dadka waana jeclahay inan caawiyo,” ayuu yiri. Laakiin, uma muuqdo haddana mid joojinaya ama ka fariisanaya howshiisa.
“Marka dadku idhahaan goormaad howlgab noqoneysaa, waxaan ku iraahda goorta Alla yiraahdo,” ayuu ku jawaabay mar la weydiiyay qorshihiisa dhow.
Hayeeshe, 46 sano kaddib markii loo qoray warqadda aayamaalka si uu holwgab uga noqdo, shan bil kaddib waxaa la arkay isaga oo shaqadiisa ku jira, waayo wuxuu naftiisa ka helay meel aanu ku dareemeyn qanaaco. Taniyo markaasna, wuxuu si maalinle ah u gutaa shaqadiisa.
You must log in to post a comment.