crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan: Ninka keligiis dib usoo nooleeyey Keyn gubatay! | HimiloNetwork

La kulan: Ninka keligiis dib usoo nooleeyey Keyn gubatay!

MUQDISHO (HN) — Waxaa loogu yeeri jiray ‘Ninka Waalan’ hadda waxaa loogu yeeraa halyey sababta oo ah wuxuu dhul cabbirkiisu yahay 250 hectares ka dhigay duni cagaaran oo dhirtu ay isku ciriiriso.

Sheekada Sadiman oo isaga oo kaligiis ah ku guuleystay inuu keyn sii dhimanaysa kusoo celiyo nolosha waxay kasoo bilaabanaysaa sannadkii 1990 hayeeshe, dhibaatada uu xalkeeda helay waxay kasoo bilaabtaa sannadkii 1960-kii. Wax yar laakiin, dab ballaaran oo qabsaday keynta ayaa ka dhigay digo iyo danbas. Gu’yaal is cirbinaya, dadka degaanka waxay la daalaa-dhacayeen macluul iyo abaaro ilaa halyaygani usoo baxay kaas oo ku guuleystay inuu nolosha kusoo celiyo keyntii dhimatay si ay nolol cusub ugu noqoto bulshadiisa.

Wuxuu ahaa beeraley,w uuna ogsoonaa kaalinta keynta dhimatay ay ka qaadanayso macluusha iyo abaaraha jira, wuxuuna ku qasbanaaday inuu wax qabto. Micno malahan, inta ay la ekeyd kaalmada uu heli karo, kaligiis ayaa go’aansaday inuu isu-taago nooleynta keynta. Dadkuna markaas,waxay ku jeesjeesi jireen dadaalkiisa, iyaga oo ka filaya inuu maalin un fashili doono.

Hayeeshe, wuu beeniyay aragtidooda. Waxaana 30 sano kaddib la arkayaa miraha halgankiisa. Wuxuu aad ugu dadaalay inuu badiyo korinta iyo beerista geedka banyan oo uu ogsoonaa inuu anfaco ka weyn geedaha kale u yahay degaanka madaama uu cuno biyo yar sidoo kalana kahortag lama huraan ah u yahay abaaraha.

25-kii sano ee lasoo dhaafay, wuxuu beeray 11,000 oo geedo ah. Waxayse qaadatay 10 sano in halgankiisu kusoo muuqdo. Hadda, biyaha roobka ayaa uga da’ degaanka si caadi ah, waxaana dib usoo laabatay noloshiisa qiimaha lahayd oo muddo badan loo aayay heliddeeda.

Sadiman waxaa la guddoonsiiyay abaalmarinno badan oo ku mutay halgankiisa waxaana looga aqoosaday halyey qaran gudaha Induniisiya.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!