crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Kanada oo qaadaysa Dagaal ka-dhan ah Bacda Balaastikada. | HimiloNetwork

Kanada oo qaadaysa Dagaal ka-dhan ah Bacda Balaastikada.

TORONTO (HN) — Canada ayaa marka la gaaro sannadka 2021-ka, waxay mamnuuc ka dhigi doontaa isticmaalka bacda balaatiskada si loo dhimo halista ku foolan noolaha ku jira badaha, RW Justin ayaa ku dhawaaqay.


Sharcigan waxaa lala mid dhigay mid sannadkii hore kasoo baxay Midowga Yurub iyo dalal kale.

Canada waxay sidoo kale dejin doontaa xeerar la xiriira isticmaalka bacaha oo ay ku aroori doonaan shirkadaha soo saara kuwaas oo mas’uuliyadda halista degaanka qaadi doona.

Hadda in ka yar 10% qashinka bacaha balaastikada laga soo saaro gudaha Kanada ayaa dib loo farsameeya ama loo adeegsadaa.

RW Kanada, Justin Trudeau wuxuu tallaabadan lagu mamnuucayo bacda balaastikada ku tilmaamay xaalad la xiriirta masiirka nolosha adduunweynaha.

Bishii May, QM ayaa sheegtay in ku dhawaad 180 dal ay gaareen heshiis lagu dhimayo isticmaalka xad-dhaafka ah ee bacda balaastikada oo inteeda badan lagu qubo badaha iyo harooyinka – taas oo halis dhimasho ku keenta noolaha ku jira sida kalluunka, qubada, badbaadisada, iyo wixii la halmaala.

Waxay sidoo kale sheegtay in degaanka intiisa qalalan ay halistaasi ka jirto oo xayawaanno badan oo duurjoog ah ay u dhintaan.

Kanada ayaa wali go’aaminaysa nuuca balaastikada ay mamnuuc ka dhigi doonto iyo sida badiil loogu heli karo. Ku dhawaad 3 milyan oo tan oo bacda balaastikada ah ayaa sannad kasta laga isticmaalaa gudaha Kanada.

Sannadkii 2018-ka, Midowga Yurub ayaa cod u qaaday in dalalka xubnaha ka ah ay gebi ahaanba ka taqalusaan isticmaalka balaastikada si loo yareeyo halista ka jirta badaha.



error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!