crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ninka Dadka bara sida loo fuulo geedaha. | HimiloNetwork

Ninka Dadka bara sida loo fuulo geedaha.

MUQDISHO (HN) — Nin la baxay magaca Tarzan-ka Barcelona ayaa dhawaan qabsaday hadalheynta baraha bulshada kaddib markii uu kusoo caan baxay bixinta casharro ku saabsan tabaha loo fuulo ama sida daanyeerka loogu koro geedaha oo uu dadka ku baro gudaha magaalada  Parque de la Ciudadela.

Qof walba oo xiiseynaya inuu barto sida loo koro geedaha, wuxuu hadda heysta fursad uu ku baran karo. Waa haddii aad tagi kartid Barcelona. Waxaad kaliya iska bixinaysaa lacag dhan 10 euros (~$10). Waxaana wax laguugu barayaa si ficil ah. Umana baahnid in sheeko ahaan laguugu tilmaamo sida loo fuulo geedaha.

Waxaa barashada geed fuulidda lagu sheegey habka daanyeereynta ah ee kaa caawinaya inaad fuushid geed walba. Wuxuuna helay dad badan oo xiisaynaya inay bartaan.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!