MUQDISHO (HN) – In kasta oo aysan filashooyinkayga nololeed marnaba kamid noqon booqashada iyo aadida dalka Hindiya, haddana, 19 September sannadkii 2025 ayaan ka degay Hyderabad xilli dambe oo habeen ah. Waa markii labaad, noloshayda, oo aan safar ku aado qaaradda Aasiya. Lix sannadood kahor, markii aan u baxayay gudashada acmaasha Xajka iyo Cumrada, fahamkayga ku aaddan dunida Carabta wax badan ayaa iska beddelay, balse marnaba ma aanan fileyn inay jiri doonto isku ekaansho xagga deegaanka iyo cuntooyinka ah oo ka dhaxaysa Carabta iyo Hindida gaar ahaan Hyderabad.
Oo maxaanse kula yaabaa?! Xaqiiqdii, Hindiya waxay Muslimiintu ka talinayeen muddo 800 oo sannadood ah. Waxaana gees walba oo aad ka aaddo aad ku arkaysa qoys iyo qof Muslim ah iyo masjidkooda. Hyderabadna, kumaba sii jirto. Qarnigii labaatanaad bilowgiisa, ayay soo gaareen xukunnadii boqortooyada ahaa ee Muslimiinta Hindiya, Hyderabad oo dhacda gobalka Telengana ee koofurta Hindiyana, waxay kamid ahayd meelihii ugu dambeeyey ee lagu sii arki jiray raadadkii ka haray nidaamkii boqortooyo ee Muslimiinta Boqortooyada Mogul-ka. Xattaa magaca Hyderabad wuxuu kamid yahay tusaalayaasha nool ee marqaatiga u ah raadadki ilbaxnimo oo ay horseedka u noqdeen Muslimiintii ka talin jiray Hindiya.
Mana ahan magaca oo kaliya. Dhammaanba meelaha taariikhiga ah iyo goobaha ugu ilqabadka iyo sheegmada badan guud ahaanba dalkan, gaar ahaan Hyderabad, waxay yihiin kuwo lagu xasuusto Boqortooyadii ugu ballaarneyd ee abid ka talisa waddankan. In laga hadlo mararka qaar Hindiya, waa in laga sheekeeyo taariikhda iyo horumarka ay Muslimiintii hore halkan gaarsiiyeen. Gefna ma ahan in la yiraahdo Muslimiinta la’aantood, Hindiya, waxay manta yeelan lahayd muuqaal iyo micno ka duwan midka ay dunida ku leedahay.
Eegga, bulsho lagu qiyaaso shan milyan oo Muslimiin ah ayaa ku nool Hyderabad, marka loo eego tirakoobka dowladda Hindiya, in kasta oo xaqiiqda tiradaas ay intaas kasii badan tahay. Waana bulshada labaad ee ugu badan dadka Hyderabad marka laga yimaado Hinduuga oo ah diinta ugu badan ee laga heysto dalweynaha Hindiya. Gees walba oo aad ka aaddo xaafadaha magaalada, waxaad ka maqlaysa aadaanka salaadaha. Waxaa intaas dheer, maalmaha ciidaha ee Muslimiintuna halkan waxay ka yihiin maalmo la weyneeyo lana fasaxo shaqaalaha dowladda – hana ka tagin xattaa xuska maalinta dhalashada Suubanaha NNKH ee Mowliidka oo sidoo kale ah maalin fasax.
Afafka kala duwan, sida Urduuga iyo Hindiga, ayay Muslimiinta HIndiya ku hadlaan – taas oo lafteeda tilmaamaysa sida Islaamku goor hore murqaha ugu wada fidsaday – gaaray – guud ahaan dalkan. Cunnooyinka ugu caansan ee laga cuno dalkanina, waa kuwo sidoo kale, lagu yaqaan Muslimiinta walow Hindida aan Muslimiinta ahayn laftoodu leeyihiin dhaqamo iyo cunnooyin guun ah oo ay ab-ka-ab joogteeyaan.
Kaalmooyin fiican ayay Muslimiintu kaga jiraan horumarka iyo nolosha magaaladan – haba iska yaraatee. Dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha, wax-barashada, cayaaraha, iyo caafimaadka ayay door muuqda ku leeyihiin. Waxaase laga qadiyay ka qeybgalka siyaasadda oo aysan saami-qeybsi fiican ku lahayn kuraasta barlamaanka iyo xubnaha laanta fulinta ee dowladda – heer gobol iyo mid qaran labadaba.
Marna waxaa lagu tiriyaa bulshooyinka dib-u-dhacay oo aan sida asaagooda ku raaxaysan karin dabaqada sare iyo midda dhexe ee nolosha. Waxay ku xisaabsan yihiin fuqarada iyo saboolka HIndiya oo gaaraya 400 oo malyan. Aad bayse tiro ahaan u korayaan. Waana qoyska ugu dhalmada iyo taranta badan Hindiya. Waxaa kale oo jira tiro aan yarayn oo sannad kasta kamid noqda bulshada Muslimiinta ah – iyaga oo qaadanaya diinta Islaamka.
Qeybo kale oo soo aadan kuna saabsan qormooyin aan ugu tala-galay inaan kaga sheekeeyo horumarka iyo dhaqamada dalalka, waxaad kaga bogan kartaa bogga Zaki Hiraale, Litacaarafuu iyo mareegteenna Himilonetwork.com
HimiloNetwork Han & Horseed
You must log in to post a comment.