crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Haweeneyda Cayilkeedu gaaray 400 KG. | HimiloNetwork

Haweeneyda Cayilkeedu gaaray 400 KG.

MUQDISHO (HN) — Tani waa qisada haweeneyda culeyskeedu gaaray 400 oo kg oo dad kuwii ugu dhawaa nolosheeda ay ku naceen. Ma socod badna mana ahan inaysan jecleyn; wayse jiif badan tahay; haddana mana ahan inay ku qasban tahay. Marwalba oo ay socod maagto way hinraaagta; marka ay fadhiga cabbaar ku sugnaato oo ay damacdo inay sare-kacdana waxaa ku adkaata inay iskeed u roogsato.

Garaaca wadnuhu waa joogto. Neeftuurka iyo huufitaankeeda waxaa mararka qaar laga maqli karaa agagaarka u dhow goobta ay marayso.

Laakiin tani ma ahan xaalad ay iyadu dooratay.

Gabadhaas aad arkaysaanna waa qofka kaliya ee ugu muhiimsan nolosheeda taas oo iyada oo sideed jir ah awoodaysa inay hooyadeed isu-taagto sir iyo caad caawinteeda.

Tani waa un hal dhinac oo qisadeeda ku saabsan. Balse inta aan sii guda-galin aan ku socono halganka culus ee nolosha hooyadeed.

Yirangendo waa hooyo shan dhal ah oo laba sey oo ay kala guursatay u kala dhashay. Markii si tartiib ah uu cayilku oogadeeda ugu wada faafayay, waxa kaliya oo aysan marnaba filan inay lumin doonto waa kalsoonida seygeeda ay u dhashay afarta carruur. Laakiin dhedo roob noqon waydaye, wuxuu si cad ugu sheegay inuu ka daalay cayilkeeda faraha kasii baxaya uuna doonayo inuu kala dheeraado ilmihiisa.

Tani waxay u ahayd bilowga qaracanka u bilowday. Mise noqon kii ugu dambeeyey. Waayo gu’ kaddib waxay guursatay seyga ay u dhashay gabadheeda Trevan oo hadda u joogta. Balse si lamid ah midkeedii hore, kama helin wax daryeel iyo damqasho ah.

Waxaana uu qaaday isla jidkii uu maray seygeedii koowaad.

Hadda iyada iyo inanteeda waxay ku nool yihiin aqal qura. Wadajir ayay iskugu dayaan inay ka filnaadaan gacmihii dayacay. Waxayna dabka saartaan hadba wixii soo gala. Noloshuna uma sahlana. Waxaase uga sii laxaw badan halka uu mustaqbalku ula socdo oo aanay ogeyn sida xaaladeeda loo maareyn karo.

Yirangendo cayilku marnaba uma ahayn doorashada koowaad. Mana ugu imaan si kama’ ah. Hayeeshe waa cudur koror aan loo baahneyn saaraya xeyrta oo inuu jirku is fidiyo keenaya marwalba oo raashiin dux leh ay cunto.

Mana ka helin la-tacaalid sugan iyo daryeel muuqda inan-rageedyadii ay u dhaxday. Waxayna u fisheen mid aan waxba u harin. Waxa xanuunka leh ee qisadeeda ku jira waa inay quus ku dhawaatay marar badan oo ay ku sigatay inay is disho.

Jaarkeedu waa xubno kale oo kaalin caadyaal ah ka jooga samata-bixinteeda. Jeer walba oo ay gurmad uga baahato kama soo habsaamaan. Waxayna u yihiin garbaha ay ku socoto.

Marka aan usoo laabano inanteeda Trevan, in kasta oo waqti adag oo ilmaha asaageeda ah aysan kula jirin ay maarayso, haddana waa qof hal-adag oo hammi ka leh nolosha. Waxay maalinkii inta ugu badan la joogtaa hooyadeed, xattaa marka ay ku jirto fasalka waxay ka warwartaa haddii saacaan ay kaalmadeeda tabayso.

In yar kaddib aroor walba markuu waagu soo guduuto ayay shaqada guriga isku dubba-ridaa kahor inta aysan u jarmaadin iskuulka. Habsaanka mararka qaar ka sokow, waxaa dhowr jeer ay ku dhacday maadooyinkii ku adkaa.

Balse kuma niyadjabin guul-darrooyinkaa yaryar. Mustaqbalka waxay ku taamaysaa inay noqoto modeliste dharka xayaysiiya si ay faqriga aafeynaya noloshooda xal waara ugu hesho.

Inta ka sokeysa, Trevan waxaa ka go’an inaysan marnaba hooyadeed ka faaruqin agteeda oo geeridu noqoto waxa kaliya ee kala fogeeya.

Qore: Zaki Hiraale.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!