MUQDISHO (HN) — Covid-19 wuxuu beddelay habka iyo muuqaalka goobaha lagu cibaadaysto oo Masaajiddu kow ka yihiin halkaas oo kumaankun kamid ah dunida oo dhan albaabada la iskugu dhiftay si looga hortago faafitaanka xanuunka.
Si kastaba, Xarunta Noor Islamic Cultural Center ee Ohio ayaa hadda albaabada u furaysa shan bilood kaddib si loogu cibaadaysto.
Imam Abdel Moneim ayaa sheegay in muddadii uu xirnaa Masjidka aysan oggolaan qofna inuu gudaha ku tukado, taas beddelkeedana ay Jamaacada iskula socon jireen habka fog ee toos ah.
Xarunta Noor Islaamic waa Masjidka ugu weyn Central Ohio. Waxaa kahor Covid-19 mar qura ku dukan jiray in ku dhow 1,000.
Hadda, iyada oo la raacayo habka kala fogaanshaha, waxaa loo oggol yahay inay ku dukadaan 150 qof markiiba.

In kasta oo Gafanarka Ohio, Mike DeWine uusan farin xiritaanka goobaha lagu cibaadaysto, haddana Muslimiinta ayaa isku taagay si isxil-qaamid leh inay albaabada isugu dhiftaan Masjidka.
Tirada Muslimiinta Columbus, Ohio, ayaa kobcayay gu’yaal badan iyaga oo qeyb weyn ka ah koriinshaha dhaqaale ee laga dareemay gobalka.
Hey’adda Pew Research Center ayaa sannadkii 2017 sheegtay in 3.5 milyan oo Muslimiin ah ay ku nool yihiin USA kuwaas oo sannadkii 2007 ahaa 2.53 milyan.
You must log in to post a comment.