MUQDISHO (HN) — Ciriiriga caasimadda waa mowduuc aan dhammaad lahayn ka hadalkiisa madaama uu noqday mid kamida ah dhibaatooyinka maalinlaha ah oo bulshada caasimadda ay la nool yihiin.
Laakiin ma ahan wadda walba oo magaalada ku taal mid u ciriiri badan sida kuwa badan oo buuqa ka jira uu joogto ka yahay maalmaha qaar sida bilowga toddobaadka iyo dhammaadkiisa.
Jidka dheer ee 21 October gaar ahaan inta u dhaxaysa Warshadda Caanaha iyo Xero Ruush waxaa hadda lagu tilmaami karaa bar isgoyska ugu saxmadda iyo ciriiriga badan caasiamdda Muqdisho kaas oo mararka qaar kasoo bilowda aroor hore siina jiitama barqada hore ee maalinkaas.
Waxaa kale oo galabkiina uu martigeliyaa ciriiri ba’an oo qadyaan ay ka noqdeen bulshada isticmaasha waddadaas.
Saakay oo ay ahayd subax Sabti ah oo dadka ay usoo baxeen dhacsiga nolol maalmeedkooda iyo kasbiga aqoon iyo xirfado nololeed oo ay ku maareeyaan ehelkooda, wuxuu runtii bilow aan wanaagsaneyn u ahaa dadweynihii ciriirigu ku kulmiyay waddada kuwaas oo ku xayirmay laba gebi dhexdood.
In badan waxay ku safrayeen gaadiidka yaryarka ah siiba Bajaajlayaasha. Mana ahan tiradooda oo badneyn midda la timid ciriiriga.
Gaadiid waaweyn oo labada dhinac iskaga yimid laamiga ayaa ugu wacneyd saxmadda kuwaas oo sida caadiga ah bilowga toddobaad walba caasimadda uga soo dhaca Jidka dheer ee Jaalle Siyaad.
Ciidamada ayaa si kastaba, inta karaankooda ah isku dayayay inay kala maareeyaan ciriiriga ba’an ee jira – una helaan xal muuqda madaama uu sii daba-dheeraanayay.
Waxa xanuunka leh ee ku jira ciriiriga gaadiidka waa inay ku dhex xayirmayan dad badan oo qaarkood laga yaabo inay u degdegayaan xarun caafimaad ama ay sidaan bukaan la dhiban xanuun aanu qof walba dareemeyn oo kaligiis ku xabisa muddo saacado ah wadada dhexdeeda.
Waxaa la joogaa waqtigii maamulka gobalka uu kala maareyn lahaa buuqa iyo saxmadda ka taagan caasimadda siiba waddooyinka muhiimka ah oo ay gaadiidku marqura isla adeegsadaan.
Xalka ugu fudud ayaana ah in baabuurta xamuulka ah loo helo waqti cayiman oo ay gaarkooda u isticmaali karaan laamiyada caasimadda kaas oo iyaga u fududeyn kara inay deddeg u dejiyaan xamuulka ku raran – gaadiidka dadweynahana siinaysa jaanis ay isku dhaafaan si ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa bulshadu u fududaato.
Qore: Zaki Hiraale.
Kala xiriir: hiraal86@gmail.com
You must log in to post a comment.