MUQDISHO (HN) — Wedka lama huraayo. Laakiin dhimashada qofka Muslimka ah, sida insaanka kale, waa u tiiraanyo iyo xanuun qoyskiisa. Hayeeshe, marba haddii ay tahay safar aan la hureyn, waa muhiim in la barto sida loogu diyaargaroobo.
Meyridda iyo dhaqidda qofka Muslimka ahina waa midda ugu muhiimsan. Sidaas darteed, ayay hey’adda Ilford charity ugu qabatay dhowr haween Muslimaad ah sida loo meyro jirka qofka dhintay.
Inta lagu guda-jiray seminaarka, bixiyaha oo lagu magacaabo Salma Patel waxay haweenka u sharaxaysay bilow ilaa dhammaad tabaha iyo habab loo diyaariyo meydka qofka Muslimka ah oo ah tallaab ay diinteenna suubban aad u dhiirrigelisay.
“Waa sharaf iyo sumcad,” ayay u sheegtay la-tabbarayaasha. “Maadaama aad doorateen inaad howshan qiimiga badan aad barataan.”
Islaamku wuxuu ilaaliyaa xurnimada qofka insaanka ah nolol iyo geeri labadaba. Qofka dhintay ee Muslimka ahina waa in durba loo qaadaa dhaqidda loona diyaariyaa aasidda. Laba iyo ilaa saddex ruux ayaa laga rabaa inay ka qeyb noqdaan dhaqidda qofka meydka ah. Xabaashana waa in loo dedejiyaa marwalba.
Waa mid laga nacay Islaamka dhexdiisa, in qofka meydka ah laga daahiyo xabaasha.
Haweenka tabbabarka qeybta ka ahaa, waxay si kastaba, u dhaxeeyeen da’aadda 20-50 jir. Waxay u yimaadeen in la baro sida loo meyro qofkooda ka dhinta.
“Dadkii da’da ahaa qaarkood way dhinteen oo awalba u meyri jiray meydadka – kuwana da’da ayaa ka daba timid,” ayay tiri Tasneem oo 40 jir ah. “Hooyaday xattaa kolkii ay geeriyooday waxaa u meyray duqowda.”
“Waxaan ahaa 21 jir waagaas. Mana aqoon sida loo meyro qofka dhinta. Haddii aan aqoon lahaa, anigaa dhaqi lahaa meydka hooyaday.”
“Hadda kaddib laakiin, waxaan diyaar u ahay inaan kaalintaas buuxiyo marba haddii aan bartay.”


You must log in to post a comment.