crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Gudaha Garoon diyaaradeedka aysan weligiis alaab ku lumin! | HimiloNetwork

Gudaha Garoon diyaaradeedka aysan weligiis alaab ku lumin!

MUQDISHO (HN) – Garoonka diyaaraha Kansai ee dalka Japan waa mid sannad kasta ay kasoo degaan kana duulaan tobanaan malyan oo dad ah – sidaas oo ay tahay, haddana way adag tahay inay alaabi kaaga lunto ama aad weyso.

Marka aan safarka nahay waxa ugu daran oo aan ka fikirno waa in annaga iyo alaabta aan wadanno aanan kala harin – ama aysan naga dhumin. Duulimaadyada gudaha Maraykanka, tusaale ahaan, waxaa sannad kasta ku luma ama lagu dhex waayaa in ka badan saddex milyan oo boorsooyin ah, sida ay ku warantay hey’adda tirakoobta daabulka alaabaha. Inaad malaayiin qofood boorsooyinkooda wada ilaalin kartidna, waa arrin aan agtaada suuragal ka noqon karin. Balse garoon ku yaalla Japan ayaa hadda ku faani kara in muddo 30 sannadood ah aysan dhexdiisa ku lumin hal boorso ah iyo wax kasii yar.

Gegida diyaaradaha Kansai oo ku yaalla magaalada Osaka waxaa la dhisay sannadkii 1994 si culeysyada tirada ka batay looga yareeyo gegida caalamiga ah ee Osaka. Waxaa sannad walba kasoo dega malaayiin qofood. Howlwadeennada garoonka waxay sharaf u arkaan in qof musaafur ah uusan murugo kaga bixin ama kaga duulin garoonkooda; taas beddelkeedana uu isaga oo faraxsan la baxo alaabtiisa. Waxay aad ugu xeeldheeraadeen ilaalinta iyo dhowraarinta boorsooyinka iyo alaabaha dadka safraya.

Waa gegida 7aad oo ugu mashquulka badan Jabaan. Sannad kastana, waxaa isku dhinac dhaafa dad gaaraya 20-30 milyan. Waxay adeegsadeen mashiinnadii ugu dambeeyey ee casrigan la isticmaalo kuwaas oo si xeeldheer u hubinaya alaab walba hal mar ka badan si bartilmeedkeeda aysan uga lumin. Waxay sidoo kale ku guuleysteen inay si dhowrsan u ilaaliyaan alaabaha oo ilaa hadda aan lasoo werin boorsooyin jajabay ama waxyeelo soo gaartay. Hadii ay dhacdo inuu qofku alaabtiisa waayana, wuxuu durba ku helayaa wax ka yar 15 daqiio.

Wuxuu 8 jeer oo isku xigta ku guuleystay garoonka ugu adeegga wanaagsan adduunka.

“Waxaan maalin kasta baranaa hab iyo xeelado cusub oo aan shaqadeenna kor ugu qaadayno si aan farxad ugu abuurno wejiyada macmiisheenna,” ayuu yiri mid kamid ah howlwadeennada.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!