MUQDISHO (HN) — Eeyaha waxa dadka aan Muslimiinta ahayn ay aalaaba ka dhigtaan rabaayad kula dhex nool guryaha iyo aqallada. Lacag badan ayaa lagu bixiyaa barbaarinta, daryeelka iyo mulkiyadda eeyaha. Waxayna ugu yeeraan saaxiib ay weheshadaan.
Iyada oo haddaba taas laga duulayo ayaa dhawaan waxaa lasoo saaray robot sida eyga loo sameeyey kaas oo wataha ama qofka iska leh ula soconaya sida eyga. In kasta oo dadkii sameeyey ay ku sheegeen mid ruux la’aan ah oo sida eyga aan dhab ahaan u jeclaan karin lihilihiisa, haddana waxay ugu yaraan tilmaameen inay wehel ka dhigan karaan kuwa jecel eeyaha.
Dhawaan aad bay u qabsadeen robotyada dalka Shiinaha waxaana laga yaabaa inay suuqa kala baxaan eeyaha dhabta ah ee naftu ku jirto.
Sida eeyaha ayay u socdaan, u ordaan, waxaana lagu qaadi karaa culeys dhan 5 kg. Waxaana sidoo kale madaxa uga rakiban kaamerad dareenside leh oo uga digaysa halisaha – ogeysiisna siinaysa qofka wata ama la socda.
Qiimo kala duwan ayaa lagu kala iibsanayaa robotyadan oo ka bilowda 15,000 yuan ($2,100) iyo 100,000 yuan ($14,000).
You must log in to post a comment.