crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Barnaamijka ‘U soco sida Yaxaaska’ oo qabsaday Shiinaha. | HimiloNetwork

Barnaamijka ‘U soco sida Yaxaaska’ oo qabsaday Shiinaha.

MUQDISHO (HN) — Kumaankun dad ah oo Shiinaha ku nool ayaa ku biiraya barnaamijka habsocodka yaxaas oo loo bixiyay ‘u guurguuro sida yaxaaska ama xamaaratada’.

Ujeedku waa in dadku ka bogsadaan xanuunnada dhabarxanuunka ah ee ka heysta jirka iyo xubnaha kala goosyada ah. Dad badan ayaana ku biiraya sida ay kusoo warramayaan warbaahinta gudaha ee dalka Shiinaha. Muuqaallo aad u baahay oo laga duubay magaalooyinka  Xiangshan iyo Changsha ayaa muujinaya ka qeybgalayaasha oo ku lebisan dhar isku midab ah – gacmaha iyo lugahana ku sita walxo ka difaaci kara gawaanka adag ee dhulka ay ugu soconayaan sida yaxaasyada.

Dhaqdhaqaaqa ayaa sida la tilmaamay waxaa looga golleeyahay in lagu yareeyo loogana bogsado dhabarka xanuunka iyo isku jirka lafaha u baahan inay si bedqab ah u kala baxaan. Waxaase la doonayaa in qofku in badan joogteeyo qaab socodkan si uu faa’iidadeeda u helo.

Qaar badan ayaa goor hore dareemaya caafimaad kuwaas oo tilmaamay inay markii hore xanuun ka dareemi jireen laf-dhabarta balse hadda ay bogsadeen madaama ay bilooyin xiriir ah soo wadeen qaab socodkan.

Waa sida push-upka oo kale,” ayuu yiri Chen Xin, oo dhiga Jaamacadda Beijing. “Wax badan ayay ka caawinaysaa xanuunnada lafaha iyo dhabarka ka heysta qofka.”

Wuxuu ka digay in qof walba uu iska diiwaangeliyo. Dadka qaba xanuunka Macaanka ama Sonkorta, Dhiig-karka, Wadne-xanuunka ayuu ugu yeeray inay ka foojignaadaan madaama uu cadaadis badan ku keenayo qaabsocodkan shaqada wadnaha.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!