crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Cuuryaanka aan Caban! | HimiloNetwork

Cuuryaanka aan Caban!

MUQDISHO (HN) — Ninkani wuxuu sabab weyn u heystaa inuu farxad ku dareemo sida Ilaahay u abuuray. Reynreyn iyo tamashle joogto ah oo laga bilaabo gurigiisa ilaa goobaha loo dalxiiska tago uu kula qaato ehelkiisa iyo saaxiibadiisa waxay kamid tahay noloshiisa caadiga ah. Wuxuu sameeyaa ugu yaraan wax walba sida qoditaanka dhulka ciidda jilcan ee xeebaha ku teedsan, ku dheelidda kubadda madaxiisa, wax qorista, farshaxanka iyo naqshadaha.

Mararka qaar lacag ayuuba ka sameeyaa farshaxanka, laakiin socodkiisa oo yar awgeed inta badan lagama wada iibsado.

Inantiisa yar iyo afadiisa ayuu ku maaweeliyaa ficillada xaggiisa ka fudud oo ay ku dareemi karaan farxad joogto ah iyo lahaansho. Marwalba oo ay gabadhiisu ay ku tiraahdo aabbe – wuxuu maleeyaa inaysan jirin sabab u harsan oo uu xumaato ugu dareemo sida Eebbe u uumay. Waayo wuxuu ogsoon yahay inay jiraan kuwa aan naafo ahayn – ubad ku yiraahda aabbe-na aan loo dhalin.  

Naafada waxaa aalaaba loo fishaa kuwo aan lahayn rejo iyo riyo – xaqna aan u lahayn inay sida asaagooda ina aadan u quuddareeyaan nolol sarreysa iyo guulo waaweyn.

Laakiin Abdul oo ah 31 jir ku nool Tansaaniya wuxuu taniyo markii uu ku dhashay magaalada Caruusha kusoo jiray halgan joogto ah iyo herdan uu la galay tabaalaha adag ee nolosha. Xattaa haddii ay taasi ka dhigan tahay inuu tusaale u noqdo qalbi wax jecel oo xaq u leh in la jeclaado.

Inaad wax jeclaatid qalad kuma lihid. Laakiin jeclaanta qof aan ku habbooneyn jaceylkaada ayaa ah midda xanuunka leh. Abdulna wuxuu nasiib u yeeshay inuu kamid noqdo kuwa dhif ah ee hoodo u helay inuu la kulmo qofkii saxda ahaa.

Si kastaba, Jaceylkiisii koowaadna ma uusan u naxijin sidii uu ku taamayay. Wuxuuna ku sigtay inuu ka quusto nolosha markii ay ka geeriyooday afadiisa. Mana jeclaan inuu sii noolaado. Hayeeshe, mararka qaar waxaa lagu dhaafsiiyaa wax agtaada qaali ku ah si laguula kulansiiyo qof aad agtiisa qaali ku tahay. Waana xaaskiisa hadda la nool oo ay isku dhaleen halka gabar midda uu kaga bogsanayo aramidii iyo lahashadii uu ka qaaday geerida xaaskiisa hore.

Sidaas oo ay tahay, nolosha ay ku nool yihiin ma ahan mid ay ku heystaan wax walba. Mustaqbalka ka horreeyana uma cadda. Hayeeshe Abdul wuxuu fahamsan yahay in farajka Alle uu hadba qofka u furo albaab – walina ay u dhiman tahay bishaarooyin badan.

Mana ahan mid iska nool hadaf la’aan. Qorshihii dhow ayaa ah in haddii uu helo lacag dhan 5kun oo dollar uu ku bilaabo ganacsi uu ku hirgaliyo hibooyinka gaar ahaaneed ee Ilaahay ku maneystay.

Qore: Zaki Hiraale.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!