MUQDISHO (HN) — Gudaha Suuqyada caasimadda oo aad aalaaba ku dhex arki karto waalid iyo ilmihiisa oo ka dukaamaysanaya, jaalayaasha idin muuqda waxay dhinacooda uga jiraan gorgortanka. Laaakiin, halkan uma joogaan inay carruur ay dhaleen u iibiyaan dhar iyo kabo.
Waxay galbinayaan abaydin gabdho iyo wiilal isugu jira oo labadii waalid ee dhalay aanu midkood u nooleyn oo agooo iyo rajay ka kooban kuwaas oo dookhooda ka ciyaara xulshada isku-joogyada ay jecel yihiin inay asaagooda kula ciidaan.
“Kuwani waa intii ugu nugleyd oo aanu kasoo helnay kaamamka oo gaaraya 15 carruurah kuwaas oo aan dhar ay ku ciidaan awoodin,” ayuu yiri Xuseen Abdi oo hormuud u ah kooxdan.
Saacado tirsamaya ayaan ka haray ugu dambeyntii sugitaanka maalinta weyn ee Ciidda. Hooyooyinka carruurtan qaarkood, sida Ganey Abdulle kaalmada deeqda ay ka heshay Jamciyadda Garaad-maal wuxuu ahaa gurmad utin ku taagneyd ka siibay iyo iftiin u baxay.
“Waxaa igu taagna walaac iyo walbahaar ku saabsan sida labadayda ilmood oo ula ciidi doonan Muslimiinta,” ayay tiri. “Laakiin, maanta, neef weyn iyo culeys aan ka yarayn ayaa iga degay, waana uga mahad-celinayaa.”
Daawashada quruxda dhoolla-caddeynta farxadeed ee wejiyadooda ubadkan ka muuqata waxay diraysaa farriin xoog badan iyo fiiro gacaltooyo mahad-celinba leh.
Isaga oo ay dhinacyada ka joogaan jaallayaashiisa, Xuseen Abdi wuxuu sheegay inaanay farxadi dhammeystiri karin iyaga la’aantood.
“Bal qiyaas kuweenna oo faraxsan iyo kuwaan oo ku dhinac murugeysan, malaga gaaray hadafkii Ciidda laga lahaa?!” ayuu is weydiiyay.
Hal-ku-dhegga sannadkan ee gargaarka danyarta caasimadda ayaa loo qaatay: cidna yaan gadaal looga soo tagin.
You must log in to post a comment.