crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dunida Muslimka | HimiloNetwork | Page 44

Dunida Muslimka

Fannaanaddii dhawaan muslimtay oo soo qaaday Aadaanka Salaadda.

DUBLIN (Himilonetwork) – Fanaanaddii caanka aheyd oo dhawaan qaadatay diinta Islaamka ee Sinead O’Connor, taas oo hadda la baxday magaca  Shuhada’ Davitt ayaa soo qaadatay yeermada salaadda ama ‘aadaanka’ – tallaab aragtiyo kala duwan ay ka bixiyeen dadkii daawaday.  Waxyar kaddib salaaddii Jimcaha, Masjidka Weyn ee Ireland waxaa Shudaha Davitt ay ka qaaday Aadaanka salaadda – iyada oo la arkay inay la ...

Read More »

Masjidkii ugu horreeyey Afrika oo dib loo dayac-tirayo.

ADDIS ABABA (Himilonetwork) – Masjidka al-Najashi oo la rumeysan yahay inuu yahay masjidkii koobaad ee laga dhiso qaaradda Afrika ayaa soo jiidanaya indhaha dalxiisayaal badan kaddib markii dayac-tiraad ay ku sameysay Hey’adda Gargaarka Turkiga.  “Markii aan aqrinayay taariiqdiisa waxaa maskaxdayda ku dhisnaa sawir qadiimi ah, laakiin aragtidiisu waa mid soo jiidasho leh oo aad moodo in shalay la dhisay,” ayuu ...

Read More »

Masjidka Lhasa – Mid kamida Masaajidda ugu dheerdheer Adduunka.

Tibet (Himilonetwork) – Isaga oo oogada sare ee badda ka sarreeya 3650 meters, Masjidka Hebalin oo sidoo kale la yiraahdo Lhasa oo ku yaalla gobalka Tibet ee dalka Shiinaha, waxaa loo arkaa mid kamid ah masaajidda uGu dheerdheer adduunka. Masjidkan oo la dhisay sannadkii 1716, waxaa dib u dayactir lagu sameeyey sannadkii 1959-kii. Masjidku wuxuu leeyahay saddex ilin oo laga soo ...

Read More »

Masaajidda guur-guura oo soo jiidanaya indhaha dalal badan oo aan Muslimiin aheyn!

Tokyo (Himilonetwork) – “Masaajidda Wareega waxaa loo arkaa lama huraan halkan gudaha Japan,” ayuu yiri Yasuharu Inoue, oo ah madaxa guddiga kaas oo adduun dhan US$88 ku hir-geliyay fikradda masjidkan. Masjidka wuxuu leeyahay dhammaan agabyada lama huraanka u ah masaajidda sida biyaha lagu weyseysto, musqulo, codbaahiyaal, masallayaal lagu tukado iyo wixii la halmaala. “Hadda masaajiddani waxay soo jiidanayaan indhaha 45 ...

Read More »

Muslimad loo diiday inay ka qeyb-gasho Tartanka maadaama ay xiran tahay Xijaab!

Jakarta (Himilonetwork) – Gabar indhool ah oo kamid aheyd kuwa u tartamaya ciyaarta judo ayaa heshay taageero shacbiyad leh kaddib markii laga diiday inay ka qeyb-gasho tartanka Asian Para Games maadaama aysan dooneyn inay iska siibto xijaabka. “Halis walba oo jirta, marna lagama yaabo inaan iska siibo xijaabka,” ayay tiri Miftahul Jannah. “Waan murugoonayaa; waayo waxaan soo tabbaranayay muddo 10 ...

Read More »

Carruurta Rohingya oo Xeryaha Qaxootiga lagu barayo Qur’anka iyo Axaadiista.

Muqdisho (Himilonetwork) – Kasoo baxsiga qalalaasaha ay kaga soo carareen dhulkooda – oo ay ku hayaan maleeshiyaadka Buudiska ah ee Myanmar, carruurta qaxootiga Rohingya waxay wax-barasho diimeed ku helayaan kaamamka ay ku nool yihiin ee dalka Bangladesh. “Waxaan halkan u imid inaan barto Qur’anka, hooyaday waxay rabtay in aniga iyo walaalkey aan diinta barano si aan shaqsiyad fiican u yeelano,” ...

Read More »

Muslimad – muddo 30 sano ah – gacanteeda ku qoraysay Kitaabka Qur’anka.

Islamabad (Himilonetwork) – Haweeney Pakistani ah oo la yiraahdo Naseem Akhtar, taas oo ku nool gobalka Gujurat ayaa muddo 32 sano ah ku bixisay inay farteeda ku qorto Kitaabka Jaamaca ee Qur’anka. “Aniga oo kaliya ayaa qoray. Cidna ilama qaban, waxaana soo bilaabay taniyo markii aan da’yar ahaa sannadkii 1987-kii,” ayay tiri Naseem. Howlgalkan oo ah midkii ugu adkaa nolosheeda, ...

Read More »

Gobalka ugu yar Kanada oo helaya Masjidkiisii koobaad.

Ottawa (Himilonetwork) – Kaddib shaqo dheer, Masjidkii ugu horreeyey ayaa maalintii shalay laga daah-furay Yukon oo ah gobalka ugu yar saddex gobal oo uu ka kooban dhulweynaha Kanada. “Waa tallaab cusub oo ka dhalatay dhanka waqooyi. Waxaana loogu yeeri doonaa Star Trek,” ayuu yiri Hussein Guisti, oo kamid ah Zubaidah Tallab Foundation. “Waad ku mahadsan tihiin inaad baqaar weyn u bedeshaan masjid ...

Read More »

Tareenkii isku xiri lahaa Makka iyo Madiina oo ugu danbeyn Shaqo bilaabaya.

Jeddah (Himilonetwork) – Tareenkii ugu horreeyey oo casri – kaas oo isku xiri doona labada magaalo ee MAKKA iyo Madiina ayaa ugu dambeyn daaha laga rogay, sida ay soo xigatay VOA News. “Wuxuu xawaareyn karaa 300 oo kilomitir saacaddiiba, wuxuuna aad u dhimi doonaa waqtigii badnaa ee lagu socdaali jiray fogaanta u dhaxaysa labada magaalo,” ayuu yiri Mohammed Falaha, oo ah ...

Read More »

Daawo Sawirrada – Masjidkii UGU horreeyey ee laga dhiso UK.

London (Himilonetwork) – Wargeyska Britain ee The Sun ayaa daabacay sawirada Masjidkii ugu horreeyey ee laga dhiso Britain gaar ahaan Woking ee Surrey kaas oo dib ugu laabanaya casrigii Victorian-ka. Sawiradda ayaa muujinaya bilowgii qarnigii 20aad siduu u ekaa masjidkii koobaad ee laga taago cidda England. Waxaa lagu magacaabaa Shah Jahan waxaana sannadkii 1889 laga dhisay 50 km meel koofur uga beegan caasimadda ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!