crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ardaydii ‘hal maalin ka soomay’ Ramadaanka. | HimiloNetwork

Ardaydii ‘hal maalin ka soomay’ Ramadaanka.

MUQDISHO (HN) — Arday dhigata iskuulka Lancashire ayaa Ramadaankii tagay ka soomay hal maalin si ay ardayda Muslimiinta ah ula qeybsadaan maalintooda waxna uga bartaan waaya’aragnimada soonka.

Tallaabtan ay ku dhaqaaqeen ardayda dugsiga Darwen Aldridge Enterprise Studio School waxaa usoo jeediyay barahooda maadada seyniska, Qasim Hussain oo aad ugu faraxsanaa inuu arko ardaydiisa kala diimaha ah inay maalin qura wada soomaan.

“Waxaan u diyaarinay wax walba oo kaalmaati ah,” ayuu yiri Hussein.

Ardaydii qeybta ka ahaa maalintaas ayaa u riyaaqay tallaabtooda – iyaga oo rajeeyey inay sidan oo kale u soomi doonaan Ramadanka soo aadan.

Gudaha dalka UK waa iska caadi aalaaba in dadka aan Muslimiinta ahayn ay maalin iyo ka badan la soomaan bulshada Muslimka ah si ay garab-istaag iyo waaya’aragnimo uga helaan.

Gu’yaalihii tagay, Hey’adda One Voice waxay uu yeereysay dadyowga ku nool Blackburn inay kusoo biiraan si ay maalin ula soomaan.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!