crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Barack Obama ‘ayeeyadiis’ oo geeriyootay. | HimiloNetwork

Barack Obama ‘ayeeyadiis’ oo geeriyootay.

MUQDISHO (HN) — Gudaha Kenya waxaa looga yiqiin Mama Sarah waxayna ahayd ayeeyada Barack Obama, Muslimiinta ayaa ka tacsiyeeyey geerideeda.

Waxay ku dhimatay isbitaalka ku yaalla Nairobi – iyada oo jirta da’da 99.

“Waxaad u taagnaan doontaa astaanta hal-adeyga, naxariista iyo is-duldhigga,” ayuu yiri Hassan Roho oo ah gafanarka Mombassa, mar uu ka hadlayay geerideeda.

Mama Sarah waxay ahayd xaaskii saddexaad ee Hussein Onyango Obama, oo ah madaxweynihii Maraykanka awowgiis – iyadana ayaa soo korisay.

Buuggiisa Dreams from My Father ayuu ku magacaabay Granny isaga oo qiray kaalintii ay ku lahayd korriimada noloshiisa oo markii loo doortay madaxweynaha Maraykanka sannadkii 2008 booqasho aan kala joogsi lahayn ay ku tageen dalxiisayaal caalami ah.

Sannadkii 1922 ayay ku dhalatay xaafad kaabiga ku heysa Harada Victoria, waxayna ahayd Muslimad kasoo jeedda qowmiyadda Luo – iyada oo sannadkii 2010 Xajka soo gudatay.

Waana aas-aasaha xarunta lagu daryeelo agoonta iyo gabdhaha.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!