HomeLa-yaabkaNin Carrabka iskaga jaray si xanuunka Corona uu u joogsado!

Nin Carrabka iskaga jaray si xanuunka Corona uu u joogsado!

DELHI (HN) — 24 jir dalka Hindiya u dhashay oo dhawaan carabka iskaga jaray si hibo uga dhigo Ilaaha uu caabudo ee Kali Mata ayaa loola cararay isbitaalka.

Vivek Sharma oo ku nool gobalka Gujurat ee dalka Hindiya ayaa tallaabadan sameeyey si – sida uu aaminsan yahay – uu Ilaahiisa Kali Mata wax u qabto faafitaanka xanuunka Covid-19.

Bandowga lagu soo rogay dalka oo dhan awgiis, Sharma waxaa ku adkeyd inuu reekiisa kusoo laabto. Sidaas darteed, wuxuu aaday goob macbad ah si uu carrabiisa ugu hibeeyo Ilaahiisa oo uu kaga codsanayay inuu wax ka qabto xanuunka dunida kala xayiray ee Corona.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments