Xaafad dhan oo mar qura wada qaadatay Diinta Islaamka.
Posted by: Himilo
in Dunida Muslimka
November 19, 2018
630 Views
CEBU, Philippines (Himilonetwork) – Koox ka socta Akadeemiyadda Seyniska iyo Cilmi-baarista UK oo loo soo gaabiyo (IERA) ayaa indhahooda ku arkay arrin ashqaraar toddobaadkii hore kaddib xaafad dhan oo ku taalla dalka Filibiin ay qaateen Diinta Islaamka.
Qeyb kamid ah Ol’olahooda Dacwada, IERA waxay casuumaad ka heshay dhawaan-Muslime ku nool tuulada kaas oo sidoo kale dadka xaafadda iskugu yeeray inay usoo baxaan gargaar iyo deeq loogu yaboohay.
Markii ay si kastaba, bilaabatay bixinta deeqaha, xubnaha ku jira Akadeemiyadda ayaa sidoo kale dadka xaafadda u sharraxay diinta Islaamka iyo meelaha ay kala siman tahay diinta Masiixiga. Waxay sidoo kale u sheegeen in Nabi Ciise CS uu ahaa Rasuul Eebbe soo diray – oo uusan aheyn Ilaahay ama ilmo Ilaahay toona.
Layaab sunniyaha ay la taagaan waxaa ku noqday markii dhammaan dadka xaafadda oo gaaraya 215 xubnood ay u sheegeen inay rabaan in Shahaadada loo qabto.
Waxaana mar qura halkaas kusoo islaamay dhammaan dadkii degaanka.
Muslimiinta ayaa 8% ka ah dadweynaha dalka u badan Masiixiga ee Filibiin. Gobalka qani ku ah macdanta ee Mindanao, oo ah meeshii uu Islaamku kasoo galay dalka Filibiin waxaa ku nool shan milyan oo Muslimiin ah.
Islaamka ayaa soo gaaray dalka Filibiin qarnigii 13aad – ku dhawaad 200 oo sanno kahor Masiixiyadda.
Hey’adda IERA ayaa ah mid sal-dhigeedu yahay dalka UK. Waxayna caawimo siisaa dhawaan-Muslimaha kusoo biiray bulshada Islaamka.
Related
2018-11-19
You must log in to post a comment.