crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Tiktoker xabsi ku mudanaya muuqaallo pranki ah oo uu ku argagax geliyay Dadweynaha. | HimiloNetwork

Tiktoker xabsi ku mudanaya muuqaallo pranki ah oo uu ku argagax geliyay Dadweynaha.

MUQDISHO (HN) – Tiktoker u dhashay dalka Faransiis – oo qaab badawsi ama ‘prank’ ah – dadka ugu cabsi-gelinayay sida inuu ku mudayo cirbad ayaa lagu riday xukun dhan 6 bilood oo xarig ah.

Amine Mojito, oo magaciisa dhabta ahi uu yahay Ilan M, wuxuu caan ka noqday barta Tiktok kaddib markii uu lasoo galay muuqaallo dadka uu ku badawsanayo sida inuu ku mudayo ama durayo cirbad gudaha magaalada Paris ee dalka Faransiiska. Markii, si kastaba, lagu eedeeyey inuu hub ahaan ugu argagax gelinayo dadweynaha cirbadda, Mojito wuxuu isku difaacay inuusan marnabada ficilkiisa ugu talagelin inuu ku waxyeelo dadweynaha – wuxuuna xusay inuu shaxda muuqaalkiisa uu kasoo xaday muuqaallo laga sameeyey dalal kale si uu shacbiyad uga dhex helo bartiisa Tiktok.

Si kastaba, xeer-ilaaliyayaasha ayaa Mojito soo hordhigay warbixino muujinaya dad kamid ah kuwii uu ku badawsanayay cirbadda oo waxyeelo dhinaca nafsiga ahi ay kasoo gaareen ficilladiisu. Qaarkoodna loo jiifiyay isbitaallada. Xeer-ilaaliyayaasha ayaa sidoo kale xusay in muuqaallada Mojito aysan sababin waxyeello dhaawacyo ah oo soo gaaray dadkii uu badawsanayay ama uu ku sameynayay prank-iga maadaama cirbadda oo afka ka xiran uu adeegsanayay!

Si kastaba, waxay xeer ilaalintu ku dooday in ficilkiisu dhiirrigelinayo gacan-ka-hadalka iyo in si bareer ah la iskugu adeegsado cirbadaha iyo wixii la halmaala. Waxaana lagu riday xabsi dhan muddo 12 bilood ah oo bar kamid ah uu ku jirayo gacanta booliska – halka barka soo harayna laga dhaafayo.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!