crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Tiktoker-kii Dhaqtarka iska dhigay ee talooyin caafimaad oo been ah siin jiray dadka ku xiran! | HimiloNetwork

Tiktoker-kii Dhaqtarka iska dhigay ee talooyin caafimaad oo been ah siin jiray dadka ku xiran!

MUQDISHO (HN) — Matthew Lani, oo ah da’yar koofur Afrika u dhashay oo bartiisa Tiktok ay ku xiran yihiin in ka badan 300,000 oo qof ayaa dhawaan xabsiga la dhigay maadama uu iska dhigay dhaqtar – lana wadaagay dadka xiran talooyin caafimaad oo uusan khibradooda lahayn!


27 jir Mathew wuxuu qabsaday hadalheynta internet-ka markii uu bilaabay inuu isku sheego inuu kamid yahay dhaqaatiirta ugu da’ yar Koofur Afrika. Wuxuu dadka xiran u sheegi jiray inuu yahay fariid si fudud uga soo gudbay wax-barashada aas-aasiga ah oo uu da’da 16 jirka ku biiray jaamacadda si uu caafimaadka u barto. wuxuu inta badan isku soo sawiri jiray isbitaallada isaga oo iska dhigaya mid heeganka shaqada ku qoran oo xiran dharka dhaqaatiirta iyo agabka lagu dhageysto garaaca wadnaha. Waxaa intaas usii dheereyd inuu hadiyo jeer dadka ku xiran siin jiray talooyin caafimaad kana iibsanaya mararka dawooyin.


Ma noqonayo – mana ahan – dhaqtarkii koowaad oo si toos ah u dhista bukaanno kaga xiran baraha bulshada, laakiin dhibtu waxay tahay Mathew maba ahan dhaqtar sax ah. mana noqon weligiis.
Bishii lasoo dhaafay, si kastaba, Mathew waxaa lagu dhex xiray gudaha Helen Joseph Hospital ee magaalada Johannesburg. Wuxuu markaas xirnaa dharka qaliimada lagu galo oo dhaqaatiirtu xirtaan. Waxaa lagu soo warramayaa inaanu markan oo kaliya u joogin inuu metelo dhaqtarnimo oo uu dhowr jeer isbitaalkan dhexdiisa ku sameeyey jiliinkiisa.


Afhayeenka waaxda caafimaadka ayaa u sheegay saxaafadda in Mathew la qabtay isaga oo ku guda-jira shaqadiisa marin habaabinta ah. Wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu dhowr jeer u yimid si uu muuqaallo ugu duubto gudaha isbitaalka.


In yar kaddib markii boolisku qabtay, xiddigan Tiktoker-ka ah wuxuu weydiistay in loo idmo suuliga – si uu uga baxsado dariishad yar. Booliska ayaana garwaaqsaday isku daygiisa, waxaana mar labaad lagu helay dambi kale oo ah isku day baxsasho ah.


Da’yarkan ayaa xattaa ku dhici jiray inuu ka talo bixiyo cudurrada halista ah sida kansarka talooyin la xiriira. Shirkadda Tiktok ayaa hawada ka saartay bartiisa kaddib markii jaamacadda Witwatersrand iyo waaxda caafimaadka ay isku raaceen inuusan weligiis kamid noqon oo uu beenaale yahay. Wuuse sii waday oo wuxuu haddana markaas sameystay bar kale oo tiktok ah oo isaga oo sidii hore iska dhigaya xirfadle caafimaad.


Maxkamadda ayaa si kastaba, sheegtay inaysan ku helin wax qalad ah maadaama waxyeello la sheegi karo ama dacwo muuqata ay kasoo gudbiyeen dad talooyinkiisa ku sirmay. Waxaa kale arrintiisa lagu soo koobay oo kaliya – madadaalo iyo jilitaan.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!