crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Tarjumadii ugu horreysay Qur’anka ee Afka Igbo oo lagu daabacay Nigeria. | HimiloNetwork

Tarjumadii ugu horreysay Qur’anka ee Afka Igbo oo lagu daabacay Nigeria.

MUQDISHO (HN) — Tafsiirkii ama tarjumadii ugu horreysay Qur’anka oo lagu qoro afka Igbo ayaa lagu daabacay gudaha dalka Nigeria.

Muhammad Murtala Chukwuemeka, oo ah tarjumaha kitaabka ayaa sheegay inay ku qaadatay shan sannadood inuu ku qoro tafsiirka Qur’anka ee afka Igbo ku dhigan.

Chukwuemeka, oo diinta Islaamka qaatay sannadkii 1989-kii ayaa sheegay inuu daabacay boqollaal nuqul oo kitaabka Qur’anka ah oo ku dhigan afka Igbo si walaalihiisa uu ugu fududeeyo fahamka iyo barashada Islaamka.

Nigeria oo lagu tiriyo dalalka ugu diin-jaceylka badan dunida Muslimka, waxaa waqooyigeeda ku badan Muslimiinta – halka koofurta dalkana ay ku badan yihiin Kirishtanka. Laakiin waaba Muslimiinta kuwa heysta aqlabiyadda waddanka. Islaamkuna waa diinta ugu faafidda badan caalamka.

225 milyan oo qof ayaa ku nool dalkaas ka dhaca galbeedka Afrika. Luqadda Igbo waa afka dadka dhaladka ah ee Igbo oo ku nool koofurbari Nigeria. Bulsho badan oo qabiilkaas kasoo jeedana waa Masiixiyiin.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!