Sucuudiga oo furaysa Xarunta ugu weyn Cunnooyinka Xalaasha.
						
		
	Posted by:  Himilo 
	
	in  Dunida Muslimka
	
		
	 July 29, 2018	
	
688 Views 
	
				
					
					Jeddah (Himilonetwork) – Waaxda Hubinta Daawada iyo Cunnooyinka Dalka Sucuudiga ee (SFDA) ayaa ku dhawaaqday qorshe u muuqda xaruntii ugu weyneyd ee soo saarta cunnooyinka iyo agabyada xalaasha ah.
“Qorshuhu waa in sare loo dhigaa wax-soo-saarka xalaasha ah ee KSA si loogu baahiyo dunida Muslimka ah loona dhiirri-geliyo horumarinta dhaqaalahooda,” ayaa u dhignaa nuxur kasoo baxay Waaxda.
Howl-fuliyaha guud ee ururka, Hisham bin Saad Al Jedaie ayaa sheegay in qorshahani qeyb ka yahay aragtida 2030 ee Sucuudigu hiigsanayo.
Wax-soo-saarrada isugu jira hilibka, digaaga, walxaha dumarku isku qurxiyaan iyo dawooyinka ayaa kamid noqonaya howlaha Xarunta.
Waxay sidoo kale qorsheynaysaa inay sameysato xiriir aad u gudo ballaaran oo lala yeelanayo dalalka Islaamka iyo kuwa caalamka.
Warbixin ku saabsan wax-soo-saarka xalaasha ah ayaa kaalinta koobaad galisay dalka Malaysia, waxaana kusoo xiga Imaaraadka Carabta iyo Sucuudiga.
	
Related
										
					
									 
								2018-07-29
								
								
				 				
			 
		
You must log in to post a comment.