crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ned Norton – Sama-falaha Jir-dhiska u sameeya dadka Naafada ah. | HimiloNetwork

Ned Norton – Sama-falaha Jir-dhiska u sameeya dadka Naafada ah.

New York (Himilonews) – Ned Norton wuxuu u shaqeynayay sida tababare jireed oo katirsan tartamada Olombikada markii nin da’yar oo ka jaban laf dhabarta sare ee luqunta uu u yimid – isaga oo weydiistay kaalmo.
“Ugu horreyn, ma aqoon wixii aan ka yeeli lahaa,” ayuu yiri Norton kaas oo maareeyaha naadi caafimaad oo ka dhisan Albany, New York.
Si wadajir ah, labaduba waxay horumariyeen barnaamijka hir-galay – da’yarkiina wuxuu sameeyey bogsimaad lagu guuleystay.
“Xattaa dhaqtarkiisa ayaa arkay kobaca jireed iyo saykoli ahaaneed oo aan si mid ah u wada sameynay,” ayuu yiri Norton.
Maysan qaadan waqti badan in warkani fiican uu faafo. Bukaannada ku jira goobaha dhaqan-celinta ayaa usoo ban-baxay caawimada Norton, wuxuuna bilaabay inuu si lacag la’aan ah u tababaro. Markii mid kamid ah war-geysyada lagu qoray hal-deeqsinimada ficilka leh ee Norton, tilifoonkiisu wuxuu noqday mid mashquul badan.
“Sidaas darteed, waxaan furay xarun jir-dhis oo aan baahidooda ku daboolo,” ayuu yiri.
25-kii sano ee lasoo dhaafay, Norton wuxuu naftiisa u qaabilay kobcinta iyo sare u qaadista rajada dadka laxaadka la’ ama naafada si lacag la’aan ah.
“Ma nuuxsan karaan. Ma isku filnaan karaan. Uma noolaan karaan noloshooda,” ayuu yiri Norton, oo 55-jir ah. “Waan xoojinayaa; adkeynayaa xubnahooda, sidaas darteed way u bannaan bixi karaan nolosha ay aheyd inay ku noolaadaan.”
– Jir-dhise qalbi fiican leh – 
Norton wuxuu jir-dhis u sameeyaa in ka badan 120 qof toddobaad kasta gudaha xaruntiisa aan ribix doonka aheyn ee lagu magacaabo Warriors on Wheels. Macmiishiisu waxay iskugu jiraan dadka nabarradu ka gaareen xubnaha ee naafada noqday oo dhan iyo kuwa sida dabiiciga ah ugu soo hana-qaaday.
“Waligay kama aan warwarin wax aysan sameyn karin,” ayuu yiri Norton. “Waxaan ka warwaraa waxa ay sameyn karaan, aniga oo ka yeela sida ugu xurnimo fiican oo ay wax ku qabsan karaan.”
Ka-qeyb-galayaashu waxay toddobaadkii laba jeer yimaadaan xaruntiisa – iyaga oo kal-fadhi dhan hal saac ku qaata jir-dhis iyo jimicsi. Dhamaan qalabka yaalla goobtiisa waa kuwo ku habboon bukaannada kala duwan. Badi dadku uu caawiyo waxay ku yimaadaan kursiga cuuryaannada.
“Dunida hadda way soo gaari kartaa dadka laxaadka la’ ee ku sugan kuraasta cuuryaanta,” ayuu yiri Norton. “Hayeeshe waa inaad u ad-adag tahay ku sugnaanshaha kursiga.”
Tom Clement ayaa og middaas gacanta-hore. Muddo laga joogo 40-sano kahor ayuu kasoo dhacay saqafka sare dhismo uu ka shaqeynayay, wuxuuna ka jabay riciraha laf-dhabarta kore. Wuxuu taniyo markaas ku socday kursiga cuuryaamiinta.
“Marka aad lugo weyso, gacmaha ayaa kuu noqda lugahaada. Sidaas darteed, jir-dhiska qeybta kore waa fure,” ayuu yiri Clement, oo 65-jir ah.
Clement wuxuu halkan kusoo joogay muddo 15 sano ah. Wuxuu sheegay inay ku caawisay si xornimo leh inuu ku noolaado.
“Howlaha jir-dhis ee halkan la iigu sameeyo waxay sare u qaadeen kartida aan ku qabsan karo howl-maalmeedkayga,” ayuu yiri Clement kaas oo xarun farshaxan ay wada joogaan walaalkiis. “Mahad waxaa iska leh Norton oo taas ii suura-galiyay.”
Kuwa awooda inay iska bixiyaan qarashka, Norton wuxuu bil walba ka qaadaa 25$. Badi macmiishiisu waxay ku nool yihiin nolol dhaqaale ahaan liidata – isaga oo yiri in ka yar kala bar ayaa iska bixin karta qarashka. Hayeeshe marnaba albaabka kama xirto qof naafo ah.
Norton waa tababaraha kaliya ee xaruntiisa oo ay ugu deeqday maamulka degmada. Bukaannada xaruntiisa isugu yimaada waxay sameystaan bar kulan saaxiibtinimo, wayna is dhiirri-geliyaan. Waxay sidoo kale isku yihiin ilo is dhaafsada talooyinka iyo tix-raacyada.
“Shilka kadib, dadku way niyad burburaan. Ehellada iyo saaxiibadooduna aragti kama heystaan xaaladda ay marayaan,” ayuu yiri Norton. “Hayeeshe markay halkan yimaadaan, waxay helaan iskaashato dhib lamid ah kooda kula sugan.”
Kathleen Lane oo halkan imaanaysay 15-kii sano ee lasoo dhaafay ayaana kamid ah ka faa’iideystayaasha.
“Waxaan halkan kala tagaa dareen ka macaan midkii aan ku imid markii iigu horreysay,” ayay tiri Lane, oo 51-jir ah. “Waxay badashay noloshayda.”
Norton wuxuu sheegay in badi dadka uu la jir-dhis sameeyey ay nolosha horay ugu socdeen; heleen shaqooyin.
“Ma ihi hanad. Mana ihi indha-sarcaadle,” ayuu yiri Norton. “Hayeeshe waan ogahay waxa aan ku sameynayo jir-dhiska, waayo taasi waa waxa aan jeclahay inaan sameeyo; ugu deeqo dadka.”
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!