crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Shirweynaha Deegaanka Muqdisho – Mogadishu Environmental Summit – oo lagu soo gabagabeeyey caasimadda. | HimiloNetwork

Shirweynaha Deegaanka Muqdisho – Mogadishu Environmental Summit – oo lagu soo gabagabeeyey caasimadda.

MUQDISHO (HN) — Shirweyne u muuqda inuu kusoo aadayo waqtigii loogu baahida badnaa oo looga hadlayo deegaanka iyo dhirta ayaa maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

Shirka oo isugu jiray aragti wadaag iyo bandhigga agabyo iyo wax soo saarka gudaha dalka u badan oo ilaalinta deegaan caawinaya waxaa iska kaashaday Jaamacadda Muqdisho, Action4Evironment iyo Somali Centre.

Muuqaal kooban oo ka hadlaya aafada iyo waxyeellada ka jirta deegaanka ayaa lala wadaagay kasoo qeybgalayaasha.

Shirweynaha waxaa qeyb ka ahaa daneeyaasha iyo cilmi-baarayaasha deegaanka. Waxaana lagu falanqeeyey fursadaha iyo dhibaatooyinka muuqda ee bey’ada ka jira. Dr. Sharif Cusmaan oo  kamid ah mas’uuliyiintii madasha ka hadashay ayaa ku dheeraaday ahmiyadda shirweynaha.

“Deegaanku ma ahan baad, biyo iyo dhir, waa innaga,” ayuu yiri. “Waa inaan ilaashanno.”

Madasha waxaa wax-soo-saarkooda kusoo bandhigay hal-abuurayaal da’yar ah kuwaas oo kaalintooda badbaadada deegaanka loo arkayay mid muhiim ah.

“Waxaan ka socdaa shirkadda calafka xoolaha,” ayuu yiri. “Waxaan u nimid inaan soo bandhigno bacrin ama ciid nafaqaysan oo loogu talagalay in lagu kobciyo dhirta,” ayuu sii raaciyay hal-abuure kale.

Dadkii lagu casuumay kulanka waxaa sidoo kale kamid ahaa ardayda kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda.

“Aad baan uga helay sida loo soo agaasimay, waxaana ka fahmay inaanay nololi jiri Karin dhir la’aanteed oo ay muhiim tahay inaan u istaagno badbaadinteeda,” ayay tiri Sacdiyo.

Waa shirweynihii ugu horreeyey nuuciisa ee lagu gorfeeyo halisaha iyo dhibaatooyinka heysta degaanka iyo sida loo abuuri karo fursado deegaan la jaal ah oo noolaha berry iyo badba ku nool anfici kara.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!