crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sheekada sida uu kusoo Islaamay oram Van Klaveren | HimiloNetwork

Sheekada sida uu kusoo Islaamay oram Van Klaveren

MUQDISHO (HN) — Afar sanno kahor ayuu oram Van Klaveren go’aankiisa ah inuu diinta Islaamka rumeeyo uu qaatay. Gu’yaal badan ayuu dagaal kula jiray Islaamka kahor go’aankiisa.

Sannadkii 1979 ayuu ku dhashay Amsterdam – aad buuna yaraantiisa u ahaa mid xiiseeya wax badan ka ogaanshiyaha Islaamka. Aad buuna dhabtii shaki uga qabi jiray diinta Masiixiyadda oo sheegata saddex Ilaah inay jiraan, sida uu u sheegay Anadolu Agency.

Dhacdadii 9/11 iyo weerarkii lagu qaaday filim-sameeyihii caanka ahaa, wuxuu Klaveren go’aansaday inuu ku biiro dhaqdhaqaaqa ka dhanka ah Islaamka iyo Muslimiinta

Laakiin sannadkii 2014 ayuu isaga tagay kaddib markii la isku qabtay dood ku saabsan soo-galootiga Muslimiinta Morooko. Isla sannadkaas wuxuu qoray buug oo dadka aan Muslimiinta ahayn uga digayo Islaamka iyo saameyntiisa. Waana intii uu waday qabyo-qoraalka dhiganihiisa goortii uu haddana su’aalo ka keenay sax ahaanshiyaha diinta uu heystay ee Masiixiyadda.

Si uu haddaba jawaab qanciya u helo wuxuu u tagay Abdul Hakim Murad oo – kahor inta aanu islaamin loo yiqiin Timothy John – si uu wax uga fahmo.

“Kulankaas waxaan ku bartay labo Islaam: mid bannaanada la iigu sheegay oo been iyo marinhabaabin ah iyo midkii saxda ahaa oo aan ugu imid Muslimiinta dhexdooda,” ayuu yiri Klaveren.

Waana isla goortaas kolkii uu go’aansaday in loo qabto kalmadda Tawxiidka si uu kaga mid noqdo bulshada Muslimiinta.

Wuxuu qaaday isla tubtii uu qaaday saaxiibkiis Arnoud Van Doorn oo qaatay Islaamka sannadkii 2012 kadibna isaga tagay xisbigii uu katirsanaa.

Laakiin labadoodu oo kaliya kama tirsaneyn xisbigaas. Maxence Buttey oo islaamay sannadkii 2016 ayaa soo galay liiska. Waxaa kale oo jira Arthur Wagner oo isna qaatay Islaamka sannadkii 2018 kana soo jeeda xisbiga bidixda fog ee Jarmalka.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!