crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Haweeney wacday nambarka degdegga ah ee 999 kadib markay ka cabsatay Bisad | HimiloNetwork

Haweeney wacday nambarka degdegga ah ee 999 kadib markay ka cabsatay Bisad

Muqdisho (Himilonews) – Haweeney ku nool dalka Ingiriiska oo aad uga naxsaneyd Bisad in cabbaar ah iska bada-socta yaa baqdin ay ka muujisay awgeed waxay u wacday booliska leh nambarka degdegga ah ee 999 si ay u xiraan.
Booliska magaalada London ee Metropolitan Police Service ayaa sii daayay wicitaannadii ugu yaabka badnaa toddobaadkan ay heleen oo ay kamid tahay haweeneydan ka cabanaysa Mukulaasha.
Bileyska ayaa shacabka uga digay inay nambarka degdegga ah ee 999 usoo wicin micno la’aan haddii aysan ku sugneyn xaalad halista oo u baahan halhaleel in wax looga qabto.
Waxay sheegeen in soo garaacista 999 ay ka dhigan tahay in booliska ay arrinta u tahay lama huraan -taas oo galinaysa foojignaan degdeg ah – mashquulna ay galinayaan dadka qaba baahiyaha dhabta ah.
Farriimaha ay qaarkood toddobaadkan heleen oo gaaraya ilaa 12 wicitaanno la yaab ku noqday ayaa u qoran sidatan:
  1. Waxaan ku suganahay gegida Heathrow Airport. Waxaana boorsadayda uga tagay taksiga.
  2. Waxaan arkay Dawaco ku socta dariishadayda agtayda, Waxaana rabay inaan ku wargeliyo booliska – inay dhib keeneyso iyo in kale.
  3. Waan lunsanahay. Waxaana raadinaya dhismo aan rabay. Waana la’ahay. Fadlan ma iga caawin kartaan.
  4. Waxaa baqaarkayga ku dhex jirtay shinbir. Qof ayaana hadda buriyay.
  5. Waxaan rabay inaan idin ku wargeliyo inaan iska dhumiyay aqoonsigayga darawalnimada.
  6. Ma isiin kartaan numbarka booliska aan ahayn non-emergency-ga?.
Isha: Radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!